Gudoomiyaha Aqalka Sare oo shaaciyay kaalinta ay warbahinta ku leedahay hurinta Khilaafka Kheyre & Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia ayaa waxaa arrinta Khilaafkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa sheegay in dhankooda ay kawadaan dhexdhexaadinta labada dhinac, basle waxa uu sheegay in meesha ay ka maqantahay kaalinta Warbaahinta Soomalida.

Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxa uu sheegay in Warbaahinta Soomaalida laga doonaayo inay xaal qaatan isla markaana ka fogaadan inay iska horkeenaan dhinacyada isku haya Siyaasada.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu qiray in Warbaahinta Soomaalida ay kaalin weyn ka qaadaneyso sii kala fogeynta Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay doonayaan in laga wada shaqeeyo qaboojinta xiisada taagan.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uu Warbaahinta iyo bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqay in  si degan loo wajaho xaaladda cakiran ee Xukuumada iyo golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu warbaahinta ugu baaqay in ay ka fekaraan sidii si nabadgaliyo loogu dhameyn lahaa Khilaafka taagan waxa uuna cadeeyay in Warbaahinta ay kaalin weyn ka qaadan karto daminta xiisada.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa sheegay in haddii warbaahinta Soomaaliyeed ay buunbuuniyaan Khilaafka uu sameyn weyn ku yeelan doono dalka oo dhan.

Waxa uu Cabdi Xaashi Cabdullaahi intaa kusii daray haddalkiisa in jirto xaalad adag oo loo baahan yahay in loo wajaho si degan oo ay ku dheehan tahay wadaniyad, si loo afjaro Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Haddalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa imaanaya xili khilaafka Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia uu maraayo meel xun.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com