Xog cusub: Tirada Xildhibaanada Mooshinka kawada Jawaari oo korortay & Khilaafka oo meel xun gaaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya inuu sii kordhay Khilaafka ka dhex aloosan Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu sii kordhay kadib markii Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre uu is hortaagay inay wada kulmaan Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo uu ku eedeeyay hareer marka Dastuurka dalka.

Kheyre ayaa la sheegayaa in Seddex kulan ay ku kala boodeen Guddoomiye Jawaari, halka laba kulan oo mid kamid ah ay soo agaasintay Beesha Caalamka uu diiday inuu la qaato Guddoomiye Jawaari, waxa uuna sabab ka dhigay in Jawaari uu doonaayo in dalka uu ku maamulo rabitaankiisa, isagoo ka talaabay Dastuurka.

Mid kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa inoo xaqiijiyay inuu fashilmay Seddex kulan oo ay isku arkeen RW Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari, kadib markii ay isku fahmi waayeen hannaanka loo wajahaayo xalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre uu ka biya diiday laba kulan oo midi ay soo abaabushay Beesha caalamka, kadib markii Ra’isul wasaaraha uu ka cudur daartay in howlihiisa uu u baajiyo kulan aan mirro dhal laheyn, sida uu sheegay Xildhibaanka.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay inay kordheen Xildhibaanada Mooshinka kasoo gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana Guddoomiyaha koowaad ee baarlamaanka uu qabtay ilaa 14 Xildhibaan oo ku biiray Mooshinka laga wado Jawaari.

‘’Dabcan inta uu socdo khilaafka garabka Mooshinka wado waxa ay kusii dadaalayaan inay kordhiyaan tirade Mooshinka wada, hadda waxaa ku biiray Mooshinka 14 Xildhibaan, waxaana sidaa kusii kordhaaya cadadka Mooshin wadayaasha’’

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa ku baaqay inaan la carqaladeyn nidaamka uu iminka ku dhisan yahay dalka, isla markaana la doonaayo in laga tanaasulo khilaafka.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa qiray in meelxun uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhextaagan Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com