Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Oo mrkii Ugu horeysay Booqday Xarunta.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Thaabid Cabdi Maxamed banaadir ayaa tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Candullaahi farmaajo uu xilka ka qaday waxaa uu maanta tagay Xarunta Dowladda hoose ee Xamar.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Thaabid Cabdi Maxamed  ayaa maanta markii uu Xarunta Maamulka Gobolka tagay waxaa uu ku arkay shaqsiyaad isaga la safnaa markii xilka laga qaadayay maantana la socday gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahne duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan yariisow.

Xarunta Maamulka Gobolka markii Thaabid xilka laga qaaday waxaa la wareegay Ciidanka Koofiyo gaduuda Madaxtooyadda Soomaaliya kuwaas oo maalmo badan ku sugnaa inkastoo markii dambe Boolis lagu wareejiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com