Gudoomiyihii mid ka mid ah guddiyadii doorashada J/L oo lagu xiray Kismaayo

Kismaayo-(Caasimada Online) – Waxaa magaalada Kismaayo lagu xiray guddoomiyihii guddigii doorashadii Jubbaland, garabka la mac baxay Isbedel doonka ee Madaxweynaha u doortay Cabdirashiid Xidig.

Ninkaan oo laggu magacaabo Bakaal Cabdullaahi Kooke ayaa sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay Xildhibaanada garabka is bedel doonka ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Xidig.

Galabta ayaa lagu xiray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, xilli uu doonayey inuu u safrro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo ka kala tirsan Booliska Jubbaland iyo kuwa Kenya ee nabad ilaalinta u jooga dalka, ayaa la sheegay inay kala dageen diyaaradda xili ay ka kici rabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Bakaal ayaa sida ay xogta ku helayso Caasimada Online waxa uu hadda ku xiranyahay xabsi ku yaalla Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaara u ah maamulka Jubbaland.

Xabsiga lagu xiray ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo Booliis ah oo isugu jira Kenyaati iyo kuwa Boolis ah oo ka tirsan maamulka Jubbaland, walina ma jiro wax war ah oo ku aadan xariga masuulkaas oo kasoo baxay gatabka uu ka tirsanaay ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo dhawaan ay u doorteen inuu Madaxweyne ka noqdo Jubbaland.

Sidoo kale xariga Kismaayo loogu geystay Guddoomihii guddiga doorashada garabka is bedel doonka Jubbaland ayaa kusoo beegmay saacado yar kaddib markii Garoonka Muqdisho lagu xiray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Transit ku ahaa Aadan-Cadde kuna jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Caasimada Online
Xaafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com