Jubaland oo jawaab culus kasoo saartay go’aankii DF ku xayirtay Kismaayo iyo kii golaha wasiirada

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedkada Jubaland ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku qasabtay diyaaradaha ka tagaya ama imanaya Kismaayo inay soo maraan Muqdisho, iyo kii ay ku sheegtay inay maamul cusub ugu dhiseyso Jubaland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayey ku sheegtay in aanay go’aamada xukuumadda Soomaaliya wax saameyn ah ku yeelan doonin dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waxaan caddeeneynaa in go’aanka arrimaha ku saabsan xayiraadda duulimaadyadda iyo isu socodka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland ay xadgudub ku tahay xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaqa u leeyihiin” ayaa lagu yiri qoraalka.

Jubaland ayaa ku dhowaaqday inay iska difaaceyso ficillada dowladda Soomaaliya, oo ay sheegtay inay maamulkaas ku beegsaneyso.

“Dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabkeeda oo isku duuban waxay difaacayaan xuquuqdooda dastuuriga ah qiima kasta ha ugu kacdee, mana aqbali doonaan in la burburiyo nidaamkooda, amaankooda, horumarkooda iyo midnimadooda. Ayey tiri Jubaland.

Jubaland ayaa ugu baaqday baarlamanka Soomaaliya inay wax ka qabtaan go’aanka dowladda Soomaaliya ay xanibaadda dhanka duuliimaad ku saartay magaalada Kismaayo.

“Waxaan ka codsanaynaa wakiiladda golaha shacabka ee JFS oo ka wakiil ah shacabka Soomaaliyeed iyo aqalka sare oo ka wakiil ah Dowlad Goboleedyada dalka, golayaashaas oo codka kalsoonida siiyey xukuumadda ku tumanaysa dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala, inay gutaan waajibaadkoodda la xisaabtanka xukuumadda xal deg-degana ka gaaraan ku tumashada dastuurka iyo shuruucda dalka u yaala” ayaa lagu yiri qoraalka.