Guuleed oo si cajiib ah uga jawaabay hadalkii Mahdi Guuleed ee ‘guriga cad’

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyinihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka jawaabay hadal uu maalin ka hore Mahdi Guuleed ka sheegay shirweynaha Garoowe.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ka sheegay inay muhiim tahay in waxkasta oo ku saabsan doorashada lagu heshiiyo, isla markaana ay xukuumada diyaar u tahay dhaqan gelinta heshiiskii lagu gaaray Muqdisho.

“Xaalku hadda waxa uu marayaa ‘Ninkaa guriga cad degan ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo niman odayaal ah oo leh war xiligii waa kaa dhamaadee meesha ka soo bax’ yaa u gar-naqi doona?,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

“Si looga baxo guriga cad, inaan ka heshiino soo maaha? Guriga cad sidii loogu sii jiri lahaa, inaan ka heshiino soo maaha? Soo xalku kuma jiro in albaabka laga galo, oo aan daaqadda laga soo gelin?.”

Cabdikariin Guuleed oo daba socda hadalka Mahdi ayaa sheegay inay lagama maarman tahay in Farmaajo uu xilka kusii joogo doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu markii hore xilka uu hadda hayo ku koray.

Waxa uu usoo qaatay sheeko faneed cajiib ah, taasi oo uu ku sheegay inaysan marnaba ka aqbaleyn Farmaajo inuu isku dhagooleyo mucaaridka oo iyagu raba inay dhacdo doorasho lamid  ah midii uu madaxweynaha hadda talada haya uu ku yimid.

“Xaaji Mahdiyow odeygu meesha nidaam ayuu ku galay, hadduu isku kaya dhagooleynayo laga yeeli maayo,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxalada maanta lagu jiro waxa lagama maarman ah in looga gudbi si habsmi leh oo wada-ogol ah oo dhamaanteen aan raali ka wada nahay.”

Hadalladan ayaa imanaya xili aan heshiis rasmi ah laga gaarin khilaafka muddooyinkii dambe ka taagna doorashada soo socota oo muddo kooban inaga xigto, taasi oo weli si rasmi ah hanaankeeda loo gudo galin.