Raggii Balanbale ‘ku diley’ saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo lasoo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xooga dalka ayaa gacanta kusoo dhigay rag lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen dilal loo geystay Saraakiil ciidan oo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Howl-gal qorsheysan oo ciidamadu fuliyeen ayaa waxa lagu soo qabtay 2 Nin oo lagu eedeeyey inay bishii December ee sanadkii dhamaaday Saraakiisha ciidanka ku dileen wadada isku xirta Balanballe iyo Guriceel.

Sidoo kale waxa howl-galkaas lagu qab-qabtay dad kale oo tiradooda la shaacin, kuwaasi oo sida la tuhusan yahay gacan ku dhiigleyaasha u fudeydiyay dhuumaaleysigooda, tan iyo markii ay fuliyeen falkaas.

“Howl-galka oo ahaa mid gaadmo ah, laguna baacsanayay raggii falka ka danbeeyey ayaa waxaa loo adeegsaday gawaarida nooca ay shacabku adeegsadaan sida Baroobakas  iyo Nooha-da,” ayuu yiri Sarkaal la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa haatan lagu raad joogaa kuwo kale oo isla goobta hawl-galku ka dhacay ka baxsaday, markii ay ka war heleen howl-galka”.

Howl-galkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu heleen xog la xiriirta ragga dilka geystay ee ay soo qabteen, kuwaasi oo muddooyinkii dambe ay ku raad-joogeen.

Ciidamada ayaa ragga ay soo qabteen horgeyn doona maxkamadda, si loogu maxkamadeeyo dilka ay u geysteen Saraakiisha ciidanka.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa hore u balan qaaday inay gacanta kusoo dhigi doonaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay falkaas, si cadaalada loo horgeeyo, waxayna u muuqata in howl-galadan ay qeyb ka yihiin balan-qaadyadaas.