Guriga safiirka Mareykanka ee Israel oo loo iibiyey qorshe siyaasadeed yaab leh

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa guriga safiirkeeda ee magaalada Tel Aviv ku iibisay inka badan 67 milyan oo dollar, bishii July, sida ku cad diiwaan Israeli oo rasmi ah.

Xogtan cusub ayaa mar kale ifineysa iibinta guriga oo muddo ay sir badan ku hareereysneyd.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa iibka xaqiijisay bishii September, hase yeeshee waxay diiday inay shaaca ka qaado qiimaha iyo qofka iibsaday guriga oo ku yaalla xeebta Tel Aviv, aag ay degan yihiin dadka lacagta leh.

Wargeyska ganacsiga ee Israel ee Globes ayaa qofka iibsaday guriga ku sheegay Sheldon Adelson, oo ah taajir Yahuudi Mareykan ah, oo si weyn u taageera madaxweyne Trump iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Wakiil u hadlay Adelson ayaa sheegay in bilyaneerka uusan ka hadleyn arrintan.

Lacagta 67 milyan ayaa ka dhigeysa in gurigan uu yahay kii ugu qaalisanaa ee abid lagu iibiyo Israel. Kaaliyayaasha xubnaha Congress-ka Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay inay eegayaan haddii iibkan uu u hoggaansamay sharciga.

Iibka ayaa xoojinaya go’aanka muranka dhaliyey ee Trump uu safaaradda Mareykanka uga soo raray Tel Aviv, kuna keena Jerusalem 2018-kii, markaasi oo uu Jerusalem u aqoonsaday caasimadda Israel.

Iibinta ayaa ku adkeyneysa madaxweynayaasha Trump ka dambeeyey inay ka laabtaan go’aankiisa, dibna ugu celiyaan safaaradda magaalada Tel Aviv, sababto lacagta tirada badan ee ku baxeysa.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyey go’aanka Trump, balse waxa uu sheegay inuusan beddeli doonin.

AP + VOA