Basmo Caamir oo raali-gelin ka bixisay hadal ay ugu geftay xulka GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir, Basmo Caamir ayaa raali-gelin buuxda ka bixisay hadal ay shalay ka sheegtay guusha uu xulka gobolka Banaadir ka gaaray tartanka ciyaaraha ee ka socday Muqdisho.

Basmo ayaa sheegtay inay ka awood badatay xamaasada guusha uu gobolkeedu qaaday, taasina ay keentay inay u gefto ciyaartooydii Galmudug oo uu rigoore kaga badiyay xulka Banaadir.

“Waxaan shacabka Soomaaliyed gaar ahaan Dadka kasoo jeeda Deegaanada Galmudug & Xulka Galmudug iyo Maamulkoodiiba aan ka raali-gelinayaa hadalkii hafatka ahaa ee aan Warbaahinta la wadaagay,” ayey tiri Basmo.

Waxa kale oo ay hadalkeeda sii raacisay “Raali-gelin ayaan ka bixinayaa hadalkii ahaa ‘ciyaartooyda xulka Galmudug waxay ku laabanayaan’ waxaa i qaaday xamaasada Koobka ay hanteen Xulka G.Banaadir, Ma qaldame waa alle”.

Hadalka Basmo ee ay ku weerartay xulka Galmudug ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada, kaasi oo looga hadlayay siyaabo kala duwan.

Basmo ayaa markii shalay lasoo gaba-gabeeyay ciyaaraha gobolada ee uu ku guuleystay xulka Banaadir ayaa waxay tiri “Sida aad ogtihiin ciyaartooyda Banaadir waxay ku shaqeeyeen is-xilqaan, waxba looma balan qaadin, Dalka ayay leeyihiin Magacaas iyo caasimada iyo calankaa ayay ilaalinayeen.”

“Ciyaartooyda loo balan qaaday Turkiga hada Cadaado ayay ku laabanayaan, laakiin iyagu magaalada Muqdisho ayey toban iyo todobadeeda degmo ku dalxiisaayaan.”