Salaadiin ku shiray Muqdisho oo shuruud ku xiray in lagu qabto doorashada 2021

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah Salaadiinta Beelaha Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, Doorka Salaadiinta iyo Maqaamka Muqdisho ee aan weli wax tallaabo ah laga qaadin.

Salaadiinta ayaa shirkooda kadib saxaafadda la hadlay, waxayna sheegeen in xilligan oo doorasho la gelayo aysan suuragal ahayn in maqaamka Muqdisho aan meel saarin, iyadoo aan metelaad lahayn caasimadda.

Salaadiinta ayaa dalbaday in la fuliyo 13-kii xubnood ee Aqalka Sare laga siiyey gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu ansixiyey baarlamanka, balse uusan saxiixin madaxweyne Farmaajo.

“Soomaaliya oo maanta doorasho aadeysa …Dad 3 milyan ka badan doorasho la’aan ma dhici karto…Doorashada Soo socota ee 2021 ee dhaceysa Bulshadu halkan joogta waxay idinka fadhidaa inay ka qeyb galaan 13-kii qof ee loo ansixiyey, Bulshaduna ma aqbali karo in Xamar lagu qabto Doorasho aysan iyagu qeyb ka ahayn,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Dhinaca kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shirka ka sheegay inay waajib u tahay inuu wax ka raadiyo maqaamka Muqdisho.

“Dadka ugu horeeya oo raadinaya maqaamka Muqdisho ayaan ka mid ahay, cidda diidan waxaan leeyahay waxay ku fiican tahay kugu san iyo kugu san.. Sharafta aan ku leeyahay ama Karaamada aan ku helo Gobolka Banaadir meelaha aan ka imid kama helo,” ayuu yiri Boqor Burhaan.