28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

G/X/Khilaafadka oo faraqa heysta Dhowr Xildhibaan oo Awood lagu doortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka C/risaaq Barre Jaamac, ayaa shaaca ka qaaday in Guddiga ay go’aan cad ka qaadanayan kuraasta qaar ee awooda lagu doortay.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa sheegay inay jiraan Kuraas dhowr ah oo ay cilad ka taagan tahay, waxa uuna tilmaamay inay ku khasban yihiin in Kuraasta Mugdiga lagu doortay ay banaanka usoo saaran.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay inay go’aan ka gaarayaan kuraasta qaar ee Maamul Goboleedyada kuwaas oo lagu doortay si xoog iyo ku takri fal ah.

Waxa uu sidoo kale, sheegay inay soo gaarayaan Kiisas dhowr ah oo la xiriira in awood loo isticmaalay Kuraasta qaar.

Dacwooyinka qaar ayuu tibaaxay in loo hayo cadeymo muujin kara inay yihiin kuwo qaab musuq-maasuq ah loo qaatay, waxa uuna ballanqaaday inay go’aan ka qaadan doonaan kuraasta la gacan bidixeeyay.

Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray in Kuraasta qaar ay u arkaan in awood loo adeegsaday Doorashadooda in ay hakinayaan, arintaasina Guddiga uu awood u leeyahay.

Go’aanka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa si dadban ugu foorara ilaa Lix mas’uul oo si khasab ah lagu doortay kuwaasi oo dhawaan ay Beesha Caalamka warbixin kasoo saartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News