Habraaca doorashada oo soo nooleeyay arrin halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Axaddi war-murtiyeed kasoo baxay waxaa lagu shaaciyey habraac cusub oo doorasho, kaasi oo wax ka bedel loogu sameeyay habraacii hore ee doorashada Golaha Shacabka.

Habraaca la soo saaray ayaa dhigaya in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.

Sidoo kale waxa uu dhigayaa in kooramka codbixinta ergada uu ansax noqon karo marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah, taasi oo ah in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale.

Habraaca uu soo saaray Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhaliyey khilaaf cusub oo doorasho, waxaana si adag uga horyimid Midowga Musharaxiinta, Ururada Bulshada Rayidka iyo Golaha Siyaasiyiinta ee garabka Cabdi Xaashi.

Waxaa la rumeysan yahay in habraaca doorasho ee ay ku heshiiyeen Rooble iyo saaxiibadiisa dowlad goboleedyada uu markale dib u soo nooleeyay is-aamin daradii kal hore ka dhalatay khilaafkii siyaasadeed ee keentay dib u dhaca doorashooyinka dalka, taasi oo la dhayey markii hoggaanka doorashada laga wareejiyey Farmaajo

Hase yeeshee, ayada oo aad loogu dhaliilay madaxweyne Farmaajo inuu boobayo doorashada, ayaa hadda oo uu meesha ka baxay, waxaa booskiisa buuxiyey Rooble iyo madax goboleedyada oo markooda billaabay inay doorashada afgambiyaan.

Go’aanka ay xubnahan qaateen ayaa ka dhigan in doorashada golaha shacabka ay noqon doonto mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo xildhibaanada ay ku iman doonaan magacaabis loo ekeysiiyey doorasho.

Tani waxay meesha ka saareysaa rajadii laga qabay doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna si isku mid ah shaki iyo niyad jab u gelisay shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka, taasi oo ugu dambeyn horseedi karta khilaaf cusub oo ragaadiya, dibna usii dhiga doorashada.

Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay arrimaha doorashada iyo amaankeeda loo arkayey in meesha ka baxday is aamin daradii ka dhalatay hogaamintii Farmaajo ee arrimaha doorashada, wallow ay markale u muuqato inay dib u istaadhmatay, taasi oo dheereyn karta waqtiga doorashada