Xog: Xiisadda Farmaajo iyo ROOBLE oo kasii dareysa

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sii kala fogaanaya laba toddobaad kadib markii uu si rasmi ah usoo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya.

Khilaafkan ayaa billowday kadib markii Farmaajo uu soo saaray wareegto u muuqata in lagu beegsaday Rooble oo lagu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Farmaajo ugu jawaabay una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, ayna la wareegtay xilli aad u adkaa oo Soomaaliya ay wajahaysay xiisado gudaha iyo dibadda ah, kuwaas oo keenay in lagu sigto in dalku uu ku noqdo burbur iyo colaado sokeeye.

Rooble ayaa kadib markii uu tegay Kenya muujiyey in khilaafka laga heshiiyey, isaga oo kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ku yiri “Doqontu halkii laga dagaal un bey ogeyd.”

Si kastaba, waxaa hadda muuqata in khilaafkaas aan weli xal laga gaarin, islamarkaana ay suurta-gal tahay inuu kasii daray, kadib markii tallaabooyin uu qaaday Rooble ay muujiyeen heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka kala dhaxeeya Farmaajo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa fiidnimadii Khamiistii ka baaqday oo aan qeyb galin casho sharaf uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday u sameeyey mas’uuliyiinta Turkishka ee ku sugan Muqdisho, xilli loo dabaal-degayey sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga. 

Rooble oo safar uu ku aaday dalka Masar kasoo noqday subaxnimadii Khamiista ayaa, sida aan xogta ku helnay, iska diiday inuu ka qeybgalo xafladda sababo loo maleenayo inay xiriir la leedahay khilaafkii soo kala dhex galay labada mas’uul.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Rooble ayaa ogolaaday habraac doorasho oo gadaal ay ka riixayaan madaxda mamaul goboleedyada oo la laga soo saaray shirka Muqdisho.

Habraacan oo la xiriira doorashada xildhibaanada golaha shacabka, ayey madax goboleedyada ay isku siiyeen awoodda maamulka doorashada, kalana wareegaan guddiga doorashada heer federal.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa lagu warramay inuu dagaalka uu Farmaajo kula jiro dartiis uu u ogolaaday habraacan, si loo beegsado awoodaha fulineed ee guddiga doorashada heer federaal.

Rooble ayaa mar horeba awood tiray guddiga doorashada markii uu sameeyey guddi kale oo xafiiskiisa ka dhisan oo qaabilsan raadinta dhaqaalaha doorashada, taasi oo aheyd shaqadii guddiga doorashad heer federal.

Madax goboleedyada qaarkood ayaa ku dooday in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

Sidaas darteed, si uu Farmaajo u beegsado ayuu Rooble ogolaaday habraacan, taasi oo dhabarjab ku noqon doonta qorshaha doorasho ee Farmaajo. 

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee Farmaajo iyo Rooble, xitaa iyadoo dalku isku diyaarinayo qabashada cod-bixinta baarlamaanka, waxayna tani saameyn ku yeelan kartaa rajada dib u doorasho ee Farmaajo.