Habraaca lagu dooranayo xildhibaanada BF ee kasoo jeeda Somaliland (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gudbiyey habraaca loo marayo soo xulista xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya kasoo gelaya deegaanada Somaliland, marka la gaaro dabayaaqada sanadkan.

Habraacan, oo weli qabyo ah, lagana yaabo in waxa laga beddelo, ayaa waxaa soo saaray guddiyo isku dhaf ah oo ka kala socda labada gole ee baarlamaanka federaalka, kuwaas oo loo xil saaray inay kasoo tala bixiyaan sharciga doorashooyinka oo markii hore aan qeexeynin hanaanka loo marayo soo xulidda xubnaha Somaliland ku metela dowladda federaalka iyo qodobo kale, waxaana guddigaas hoggaaminaya Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.

Habraacan ayaa u eg kii doorashadii 2016, waxaana lagu sheegay in xildhibaankiiba ay soo dooranayaan ergo ka kooban 75, ayada oo doorashaduna ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa kulan ka dhacay Talaadadii 26-kii bishan waxaa isugu yimid xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka federaalka, waxaana laga hor akhriyey habraacan cusub.

Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo ka socday xukuumadda, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirrada kala ah Maareeye iyo Beyle, waxayna la dhacsanyihiin xubnahan ku jira xukuumadda, qaabka loo soo diyaariyey habraacan.

Hase yeeshee waxaa habraacaan si adag uga soo hor jeestay siyaasiyiinta kale ee reer Somaliland, waa kuwa aan ku jirin xukuumadda, si kale hadii loo dhigana waa kuwa mucaaradka ah.

Xubnaha ka hor yimid habraaca cusub waxay la hadleen warbaahinta, waxayna sheegeen in xukuumaddu ay afduubaneyso doorashada kuraasta deegaan doorashadoodu tahay gobollada waqooyi ee Somaliland.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka ka mid ah xildhibaanada golaha shacbaka ee gobollada waqooyi kasoo galay baarlamaanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay soo qoratay qaabka ay u soo xulaneyso xubnaha baarlamaanka federaalka kasoo gelaya Somaliland, isla markaana ay u diyaarsatay dad gaar ah, waxuuna tilmaamay in taasi ay muujineyso in dadka gobollada waqooyi kasoo jeeda aysan u madax banaaneyn inay kuraastooda doortaan.

Sidoo kale waxay beesha caalamka u direen warqad ay uga cabanayaan habraacan cusub, waxayna ku soo bandhigeen qoraalka ay ku gudbiyeen dacwadaas qodobo ku yaalla dastuurka oo ay sheegeen in lagu xad-gudbay, iyaga oo madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in uu afduubtay habsami u socodkii howlaha doorashada dalka.

Hoos ka aqriso habraaca muranka dhaliyey