Madaxweyne Trump oo si kulul uga hadlay dhacdadii lagu dilay ninkii madowga

Minneopolis (Caasimadda Online) – Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas. Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in tallaabo la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa”

Rabashado ka dhashay dil nin madow ah ay u geeysteen booliiska magaaladda Minneapolis ayaa isku badlay rabshado ay khasaaro ka dhasheen oo waxaa la boobay dukaamo waawayn sida kan caanka ka ah dalkaas ee loo yaqaan Target.

Rabashadaha ayaa cirka isku sii shareeyay kaddib markii ay booliska Sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta raabarka ah u adeegsadeen dibadbaxayaal aan hubeysnayn oo sida ay sheegeen doonanayay iney si nabdoon uga mudaaharaadaan dilkaa loo geystay George Floyd.