RUUXI RAAYA MA RAAGO – Geerida Sheekh C/raxmaan Sheekh Muxyadiin Celi oo xanuujisay reer Sweden

Waa hal-ku-dheg laga soo guuriyay xikmadaha ay Somaliidu caanka ku tahay. Oraahda waxay asalkeedu ahayd NINKI ROONI MA RAAGO, taas oo erayga NIN loola jeedo lab iyo dhedig, sida ku xusan xataa Qur’aanka kariimka ah.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxyadiin Celi wuxuu ahaa ruux aad u qiima badan oo buuxiyay shuruudaha qofka wanaagsan. Haddaba, oraahda  nin rooni ma raago micnaheedu ma ahan cimrigiisi aa soo gaabtay, balse  waxaa laga yaabaa inuu ka tegay dunida iyadoo weli bulshadu u baahan tahay oo tebeysa hogaankiisa.

Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu ahaa ruux aqoon badan oo adeegsan jiray xikmado xambaarsan degganaan iyo dulqaad isagoo si gaar ah u adeegsan jiray maadada Cilmi Nafsiga uu aad ugu dadaali jiray wax bandanna ka bartay. Wuxuu ahaa faahim garan kara qofka hadlaaya xikmadda u qarsan. Kana falceli jiray iyadoon dadku badi aysan garan.

Intaas waxaa u dheeraa inuu Ilaahey ugu deqay wax la yiaahdo “leadership quality” oo ah hogaanka bulshada oo ay cid waliba raalli ka tahay…waana arrin aad u adag si loo helo qof  si dhab ah u buuxin kasrta booski uu baneeyay.

Waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu ka najeeyo cadabul-qabri, ilkiisana u waasiciyo, jannatul firdowsa ka waraabiyo…inti uu ka tegayna Sabar iyo iimaan Ilaahey ka siiyo..Allaahuma AAMIIN.

Axmad Calasow –  Waxaad kala xiriiri kartaa dr.alasso83@gmail.com