Xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye oo kulan xasaasi ah xalay ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka iyo golaha wasiirada ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan, oo ka dhacay Hotel Doorbin, ayaa looga hadlayey sidii Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare, xilli iminka la sugayo in go’aan la gaaro qaabka doorashooyinka dalka ka dhacaya uu gobolka ugu lug yeelan karo.

Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban xildhibaano ka tirsan laba Aqal ayaa dhameystiraya sharciga doorashooyinka dalka, ayaga oo go’aan ka gaaray arrimo ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo gobolka Banaadir iyo arirnta Somaliland.

Shirkii xalay ayaa waxaa ka qeyb gala Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirka Ganacsiga Injineer Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiir Ku-xigeenka dekadaha Cusmaan Daallo, Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo xildhibaano badan

Si kastaba kulanka ayaa waxaa ka maqnaa inta badan Wasiirada Beelaha Hawiye ku matala Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, oo la sheegay inay kulankan uga baaqdeen cabsi ay xilalkooda ka qabaan.

Ma jiraan qodobo kasoo baxay kulanka, hase yeeshee dhinacyada ayaa eegayey waxa laga yeelayo haddii mar kale gobolka Banaadir la duudsiiyo xuquuqdiisa doorashooyinka soo aadan.

Kulamo kale oo sidan oo kale looga hadlay arrintan gobolka Banaadir, ayaanay kasoo bixin natiijo la taaban karo, hase yeeshee dadaalladan ayaa la rumeysan yahay in cadaadiska ku kordhin doonaan dowladda federaalka.

Gobolka Banaadir waa kan kaliya ee dhaqaalihiisa ay ku tiirsan dowladda, hase yeeshee inta badan dhaqaalihiisa ayaan gobolka wax loogu qaban, waxaana lagu quudiyaa xildhibaano iyo wasiiro intooda badan ka yimid gobollo kale.

Dadka qaar ayaa rumeysan in sida kaliya ee gobolka uu isaga dulqaadi karo culeyska aan loo sineyn ee dowladdu ku hayso shacabkiisa ay tahay ayada oo caasimadda loo raro magaalo kale, dowladda isaga tago, oo dadka gobolka ay aayihiisa u madax-banaanaadan.