Turkey oo awood militari ku xoojisay dowladda Libya, xilli laga adkaanayo Xaftar

Tripoli (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa awood Militari oo dheeri ah ku daad gureysay gudaha dalka Libya oo uu ka socdo loolan adag oo u dhaxeeyo dowlado badan oo mid kasta ay dooneyso inay ka faa’ideysato shidaalka iyo kheyraadka dalkaas uu hodanka ku yahay.

Maalmihii lasoo dhaafay, dowladda Turkiga ayaa sameysay buundo dhanka hawada ah oo labada dal si toos ah isugu xiraysa iyadoo diyaaradaha Xamuulka ah ee gawaarida gaashaaman iyo saanado kale oo Militari kusoo daadineysao magaalada sedexaad ee ugu weyne dalka Libya ee lagu magacaabo Misraatah.

Saldhigga ugu weyne ee Turkiga ku leeyahay dalka Libya, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha ee Misraatah, ayaa waxaa maalin kasta ka daga diyaaradaha noocoodu yahay C-130 oo ah kuwa xambaaro Gaadiidka iyadoo la rumeysan yahay in halkaas laga dajiyey gawaarida nuuca aan xabaddu karin ah iyo saanado kale oo Milliteri.

Sida laga soo xigtay Dowladda Ruushka, Turkiga ayaa magaalada Misraata ku rakibtay difaaca cirka ee loo yaqaan MIM-23 taas oo awood u leh in ay dhulka soo dhigto diyaaradaha dagaalka, sidoo kalana waxay illo wareedyo Ruush ah sheegeen in dalka Qatar ay Libya ka dajisay diyaaradaha noocoodu yahay Q Globemaster.

Laba Diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn oo ay soo saartay Shiinaha ayaa todobaadyo ka hor lagu soo riday dalka Libya iyadoo loo adeegsaday qalabka uu Turkiga ku rakibtay gudaha wadankaas.

Dhanka Kale, Turkiga ayaa lasoo sheegayaa inuu ku xoojiyay saldhiggiisa ku yaal magaalada caasimadda ah ee Tripoli diyaaradaha casriga ah ee aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Bayraktar.

Tallaabada ay Turkiga ku xoojisay awoodeeda Militari ee Libya ayaa kusoo aadeyso kadib markii General Khaliif Xftar uu ku hanjabay inuu ciidamada Turkiga ee ku sugan Libya u dhigi doono cashar uu la ooyo madaxweyne Erdogan, sida uu yiri

Dowladaha Turkiga, Talyaaniga iyo Qatar ayaa heshiis ku ah inay taageero dhinac walba ah siiyaan Dowladda Liibiya oo ay aqoosan tahay Qaramada Midoobay.

Sidoo kale Dowladaha Faransiiska, Imaaraadka Carabta, Ruushka, Masar, Sacuudiga iyo Suudaan ayaa iyagana la safan dagaal-ooge Xatar oo rabo inuu awood Militari ku qabsado dalka Libya inkastoo hadda ay u muuqato in la wiiqay awoodiisa.