Hadalkii WAARE shirka Garoowe oo bannaanka keenay ARRIN qarsaneyd

Madaxweynaha Maamul Gobolleedkaa HirShabeelle oo wareysi siinaya saxaafadda ayaa ku tilmaamay shirka ay dowlad Gobolleedyadu ku sheegeen in ay Garowe ku qabanayaan maalmaha soo socda mid sharci darro ah haddii uusan maamulkiisa ka qeybgalin.

Hadalka Waare ayaa ku soo aadaya kaddib markii ay kala fogaadeen isaga iyo hoggaamiyeyaasha uu muddo xileedkoodii dhammaaday ee sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe.

Waare, maalmo kaddib war-murtiyeedkii ay Kismaayo ku soo saareen qolyaha la baxay Iskaashatada Maamul Gobolleedyada oo ahaa in ay wada shaqeyntii dowladda hakiyeen ayaa heshiis la gaadhay Dowladda Federaal-ka oo uu ku xaqiijiyey shir jaraa’id.

Hadaba, muxuu ka dhigan yahay hadalkii maanta ka soo yeeray Waare?

Hadalka madaxweyne Waare waxa uu ahaa mid xambaarsan farriin mug u leh bulshada Soomaaliyeed ee markii hore ay dhici kartay in ay ku wareersanaayeen waxa la’isku hayo iyo cidda leh mas’uuliyadda khilaafka.

Walow aysan ahayn wax ku cusub Umadda Soomaaliyeed in mas’uul Maamul Gobolleed uu ka dhago adeego dowladda dhexe hadana waxaa ugub ahayn in ay halmar iski dan wada noqdaan oo ay iskaashadaan!

Waare, waxa uu bannaanka soo dhigay in waxa ay Maamul Gobolleedyo ku andacoonayaan ee ay dowladda dhexe ku haystaan ay tahay DANO gaar ah siiba doorashooyinka ay galayaan balse dowladda dhexe wax mushaakil ah aysan ku ahayn. Waare waxa uu gaaray dantiisa, waana kasoo haray madax goboleedyada.

Sidoo kale, wax uu Waare muujiyey haddii ayba tabasho jirto, sida uu isagaba qabay markii hore, in la xallin karo oo aysan jirin duruuf keeni karta in loo durbaan tumo SHIR HEBEL iyo XAALAD ABUUR KALE, iyo in isbaheysi ka dhan ah dowladda dhiso.

Tusaale, haddii Gaas wax ka tabanayo dowladda, maxaa diidaya inuu si gaar ah ugala hadlo, sidoo kalena dhamaan madax goboleedyada kale. Sababta isbaheysi loo sameysanayo ayaa ah kaliya in fowdo la hordhigo dowladnimada, waan taas waxa aan ka fahannay hadalka Waare.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid