Wasiirkii u gefay shacabka ku hadla AF-MAAYGA oo maanta raali-gelin bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii maalmo ka hor Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Maxamuud Xayir Ibraahin uu u gafay shacabka deeganada Koonfur Galbeed, ayaa maanta wuxuu bixiyay raali gelin.

Maanta kulanka Golaha Shacabka waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, ajendaha wuxuu ahaa xisaab xirka dowladda ee sanadkii 2017.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa ugu horeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabka maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay.

Intaasi kadib Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa istaagay, oo bixiyay raalli-gelin, waxaa isna raalli-gelinta aqbalay Xildhibaan Maxamed Fanax oo goobta ka hadlay.

Wasiir Xayir oo maanta ka hadlay kulanka Golaha shacabka ayaa yiri  “Hadalkii aan dhahay hadii si kale loo dhahay raali gelin ayaan bixinayaa xildhibaan fanax iyo saaxiibbadii kale ee sida kale ii fahmay.”

Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa si wayn uga carooday hadalkii ka soo baxay Wasiirkaan Xukuumadda ka tirsan, inkastoo raali gelin uu hadda bixiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com