29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Hailemariam oo si aan laga fileynin u difaacay mowqifka Farmaajo ee xiisadda Carabta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn, ayaa difaacay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.

Hailemariam Dessalegn, ayaa sheegay in Somalia ay ku taageersan yihiin go’aanka ay dhex dhexaadka uga noqdeen xiisada, waxa uuna tilmaamay in Somalia aysan xiligaani ka bixi karin kamid noqoshada khilaafka Khaliijka.

Hailemariam Dessalegn, waxa uu sheegay in Somalia ay ku guda jirto xaalad hormarineed, waxa uuna cadeeyay inay ku talinayaan inay faraha kala baxaan Khilaafka ka dhexeeya wadamada wada dhashay.

”Ma haboona in Somalia ay fursadaheeda ku lumiso la kala safashada dowladaha Khaliijka, waxaan qabaa in Somalia ay ku saxan tahay mowqifka ay ka qaadatay xiisada” ayuu yiri Hailemariam Dessalegn.

Sidoo kale, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in xitaa dowladiisa ay iska fogeysay dalab uga imaaday dowladaha Qadar iyo Sacuudiga.

Dhinaca kale, Hailemariam Dessalegn waxa uu sheegay in dowladiisa ay diiday kamid noqoshada xiisada carbeed, isagoo sabab ka dhigay inaanu boos uga banaaneyn dhexgalka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News