Hal arrin oo khilaafka Xasan iyo C/Weli sabab u ah iyo hal arrin oo xal u ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Khubarada sharciga ayaa sheegaya in khilaafka u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli uu salka ku hayo fashilka ay xukuumaddu ku guul-darraysatay dhismaha maxkamadda dastuuriga ah ee mas’uulka ka ah in ay ka go’aan gaarto qaddiyadahan oo kale.

“Dhibaatada waxaa ay tahay ma jiro sharci maamul oo kala xadaynaya awoodaha xafiisyada dawladda, waana halkaas meesha dowladuhu ka dhaqaaqaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Yaxye Cali Ibraahim.

Qodobada dastuurku waa ay qeexeen awoodaha madaxweynaya iyo ra’iisul-wasaaraha, laakiin si fiican uma kala cadda, sidaa darteed waxay u baahan yihiin fasiraad laakiin ma jirto maxkamad u kala fasirta, ayuu sheegay.

“Waa in ay jirtaa maxkamad dastuuri ah oo madax-bannaan oo dhahaysa, ‘Intaanna waa kuu bannaantahay intaanna kuuma bannaana, xuduuddii laguugu tala galay waad ka baxday waxaana ku qabanaya qawaaniintaan,'” ayuu yiri.

Madaxweynaha waxa uu ra’iisul-wasaaraha ku eedeeyay in uu ku xadgdubay dastuurka. Laakiin, Ibraahim waxa uu sheegay in aan madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha midna xaq u lahayn in uu kan kale ku eedeeyo in uu ku xadgdubay dastuurka, maaddaama ay tani tahay shaqo ay qaban lahayd maxkamadda dastuurka.

“Maadaama aanay jirin maxkamaddii go’aanka ka gaari lahayd qodobada dastuurka, ayaa masuul walaba waxaa uu isaga doodayaa dastuurka ayaa la jabiyay,” ayuu yiri.

Dhiniciisa, ayuu Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay in madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaarhu ay si hoose u xallin doonaan khilaafka u dhexeeya iyada oo loo marayo wadiiqooyin sharci.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegayaa in ay is dajiyaan ayna ku kalsoonaadaan hay’adaha dastuuriga ah ee waddanka,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay “in dawladduna ay awood u leedahay in arrimaheeda gaarka ah ay gudaha ku xalliso.”

Ra’iisul-wasaaruhu si furan ugama jawaabin madaxweynaha arrimaha khuseeysa isku shaandhaynta xukuumaddiisa, mana uunan soo qaadin arrinka mar ay xukuumaddu yeelatay kulan uu shir-guddoominayay Isniintii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com