Khilaafka Xasan iyo C/Weli oo sababay fashil ku yimid in ka badan 34 HESHIIS

Muqdisho (Caasimada Online) –Iyadoo uu jiro Khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh, ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Khilaafkaasi uu hakiyay Howlihii ka socday Xafiisyada DF.

Khilaafka ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay Howlo badan oo looga fadhiyay Golaha shacabka, wasaarada gudaha, iyo tan amniga kadib markii xooga la saaray xal u raadinta Khilaafkaasi.

Waxyaabaha ka dhashay khilaafka labada Mas’uul ayaa waxaa kamid ah Heshiis wada-shaqeyn ah oo lagu waday inay kala saxiixdaan Baarlamaanka Somalia iyo Xukuumadda, markii Madasha lagu saxiixi lahaa Heshiiskaasi aysan imaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahiisa sababo la xiriira Khilaafka oo faraha kasii baxay.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo isku heysta dano Siyaasadeed, ayaa waxa ay muddo asbuuc ah ku lumiyeen in ka badan 34 Heshiis oo ay xukuumadu lagali laheyd Dowladaha deeqaha bixiya, Hay’adaha caalamiga iyo weliba Heshiis wada-shaqeyn ah oo Dowlada dhexdeeda ahaa, kuwaasi oo hakiyay Khilaafka labada Mas’uul oo ku saleysan dano shaqsiyadeed.

Sidoo kale, Khilaafka labada Mas’uul ayaa saameyn ku yeeshay Shir lagu waday in Todobaadkaani uu ka furmo Magaalada Dubai, kaasi oo u dhexeeyay Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamulka Somaliland oo isku khilaafsan midnimada Somalia.

Dhanka kale, waxaa sii xoogeystay Khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha oo iminka gaaray halkii ugu sareeyay, waxaana qaati ka taagan Beesha caalamka oo ku wareersan Xalinta khilaafka inkastoo ay muuqaneyso rajo ka dhalatay Booqashada Ban Ki-Moon.

Xalka labada Mas’uul ayaa u muuqda mid lagu kala saarayo Baarlamaanka, iyadoona RW C/Wali Sheekh uu Golahaasi waydiisan doono Codka Kalsoonida, mar haddii uu waayay Kalsoonida Madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com