Hal nin oo haddii lagu soo daro wasiirada cusub uu Jawaari joojin doono diidmada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ayaa wado ololihii ugu weynaa oo uu ku doonayo in lagu kansalo golaha wasiirada ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Jawaari ayaa abuuray Xildhibaano badan oo ku kacsan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya kadib markii ay sheegeyn inuusan marin wadadii saxda aheyd ee lagu magacaabayey wasiirada isla markaasna waxay ku eedeeyeen inuusan u qeybin habka 4.5.

Haddaba Caasimada Online ayaa heshay xog xaqiiq ah oo muujineyso inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan jawaari ku qanci doono wasiirada Kheyre haddii loo sameeyo hal arrin.

Jawaari ayaa ka hor inta aan la magacaabo golaha wasiirada ka codsaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Kheyre inay liiska wasiirada ugu daraan hal shaqsi oo uu isaga wato balse midaas way iska indha tireyn iyagoo aan ku baraarugsaneyn awoodda uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku leeyahay Xildhibaanada dhexdooda midaas oo ay hadda arkayaan.

Jawaari ayaa ka codsaday labadaan Mas’uul inay Maxamed Aadan Fargeeti ku daraan golaha wasiirada isla markaasna la siiyo midkood wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Wasaaradda Maaliyadda oo ah laba wasaaradood oo aad muhiim u ah.

Balse arrintaas waxaa diiday madaxweynaha iyo Kheyre wuxuuna shir gaar ah oo ay yeesheen kusoo dhamaaday guuldaro kadib markii jawaari loo sheegay inaan ninkaas lagu soo dari karin wasiirada.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa sidaas kusoo magacaabay wasiiro uusan ku jirin Fargeeti oo uu watay Guddoomiyaha Baarlamaanka, taasoo keentay inuu Jawaari bilaabo ololo aad u weyn oo uu ugasoo horjeedo in la ansixiyo wasiirada.

Jawaari ayaa 25 March 2017 Ra’isulwasaaraha Soomaaliya u diray waraaq digniin ah oo uu ugu sheegayo inuu ka fiirsado wasiirada cusub ama haddii kale uu guuldaro xanuun badan kala kulmi doono XIldhibaanada Soomaliya.

Haddaba dadka ku lugta leh siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in haddii Jawaari loo sameeyo codsigiisa isla markaasna wasiir laga digo Fargeeto ay midaas keeni karto inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka joojiyo mucaaradnimda uu hadda wado sidaas ay macquul ku noqon karto in wasiirada la ansixiyo maadaama uu isaga awood buuxda ku leh leeyahay Baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com