Kheyre oo hal arrin darteed u billaabay inuu wada-hadal la galo madaxda maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay meel xun mareyso xaaladda wasiirada cusub ee lasoo magacaabay ayuu Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre bilaabay ololo cusub oo waji kale leh si uu codka Kalsoonida ugu helo Golaha Wasiirada ee uu dhawaan magacaabay.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa bilaabay inuu wadahadal la furo madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya si uu ugala hadlo arrimo ku aadan wasiirada cusub iyo qaabkii uu uga gudbi lahaa caqabadaha hor taagan.

Caasimadda Online ayaa ogaatay inuu Ra;isulwasaaraha Soomaaliya wadahadal la furay ilaa hadda madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh.

Kheyre ayaa labadaan Mas’uul kala hadlay sidii ay uga caawin lahaayeen kalsooni u helidda goalaha wasiirada oo ay mucaaraden inta badan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ka dhawaajiyey inaysan ansixin doono wasiiradaan.

Wuxuu labadaan Mas’uul ka dalbaday inay si weyn uga shaqeeyaan sidii Xildhibaanada u matala Puntland iyo Koonfur Galbeed looga dhaadhacsiin lahaa inay taageeraan wasiirada, iyadoo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu badan ee kasoo horjeedo wasiirada.

Ilaa hadda lama xaqiijin haddii ay labada madaxweyne aqbaleyn codsiga uu usoo jeediyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhexda ka galay siyaasad muran badan ka dhalatay kadib markii ay beelaha Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta xisbiyada ku jiro ku qanci waayeen.

Sidoo kale Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa qorsheenayo inuu xiriiro noocaan camal ah la sameeyo madaxwenaha Jubbland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble iyo madax ka tirsan Galmudug si uu iyagana uga codsado inay garabkiisa istaagaan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waraaq u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya isagoo u sheegay inuu ka fiirsado wasiirada uu soo magacaabay maadaama ay jiraan Xildibaano badan oo ka hor yimaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com