Arrin cusub: AMISOM oo laga megay Ari ay ku jiireen Muqdisho!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaadiid dagaal oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa maanta jiiray laba neef, xili ay marayeen agagaarka Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani ayaa la sheegay inay ka tirsanaayen AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Dalka Nigeria.

Ciidamadaani ayaa la socday laba Gaari nooca dagaalka ah, waxaana falka kadib qabtay Ciidamada Booliska qeybta Gaafmeet 5 oo ka tirsan Booliska Qaranka oo xiligaa ku sugnaa goobta.

Taliyaha Hogaanka Nabadgalyada Waddooyinka S/Guuto Cabdinaasir Macalin Maxamed, ayaa sheegay in la xiray Ciidamada falka geystay iyo labada gaari oo ay wateen waxa uuna sheegay in falka noocaani ah uu yahay mid soo laalaabtay.

Taliyaha ayaa sheegay in Saldhiga ay soo gaaren qoyskii lahaa labada neef ee Ari-ga ahaa waxa uuna tilmaamay inay dalbadeen in lasiiyo dhaqaalaha labada neef.

Taliyaha waxa uu sheegay in labada Ari midkood uu ahaa Irmaan, waxa uuna cadeeyay in qoyska ay ku adkeysteen in Ciidamada AMISOM looga qaado lacag mag ah.

Waxa uu tilmaamay in qiimaha labada neef ay qoyskii lahaa ku sheegen inay tahay $200 oo dollar, isagoo intaa ku daray inay bixiyeen lacagtaasi kadib markii Ciidamada falka geystay ay dhameystiri waayen lacagtii looga baahnaa.

Sidoo kale, Taliyaha waxa uu xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM ay keeneen $150 dollar, isagana uu ku daray $50 dollar ee harsanaa.

”AMISOM waxa ay caadeysatay falalka lagu jiiraayo dadka, xoolaha iyo Gaadiidka shacabka, waxaan ku baaqeynaa in gacanta lagu dhigo gaadiidka AMISOM ee falkaasi geysta”

Geesta kale, falkaani ayaa kusoo beegmaaya xili Ciidamada AMISOM ay xasuuq u geysteen boqolaal shacab iyo gaadiid aad u farabadan oo dusha sare ay ka mareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com