Hal sano kadib maxaa iska beddelay ciidankii dowladda ee weerari jiray siyaasiyiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya, ciidanka ayaa mar haystay xukunka muddo 21 sano ah. Laakiin dib u curashada Jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya waxaa aad looga foojigna in askartu siyaasadda ku dhex-milanto.

Nidaamkii dhawaan awoodda laga wareejiyay ee madaxweyne Farmaajo ayaase u muuqday inuu dib u qaabeynayay inay ciidanku markale xeyndaabka siyaasadda kusoo laabtan.

Intii uu xukunka hayay madaxweyne Farmaajo, ciidanku waxay fuliyeen weeraro siyaasadeed oo dhimasho sababay, madax maamul-goboleed ayay xukuno u boobeen, xildhibaano ayay soo noqdeen, sidoo kalena hanti xooggan ayay si musuq lagu sheegay ku heleen oo ay qaarkood dabaqyo kaga jeexdeen caasimadda.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hoggaaminaya Soomaaliya wuxuu dhowr jeer isaga oo mucaarad ah ku baaqay inay ciidanka ka dhex baxaan loolanka siyaasadda, oo ay diirada saaran amaanka dalka iyo dagaalka Al-Shabaab, laakiin lagama qaadan talladaas.

Sanad kadib markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Xasan Sheekh ciidanku waxay maanta intooda badan joogaan furimaha dagaalka, qaarna caasimadda ayay ku guuleysteen inay ka dhigaan mid amni ah oo ka wanaagsan sidii hore.

Kama hadli karaan siyaasad, muddadaasi sanadka ahna ciidanku kama geysan wax duulaan siyaasadeed ah maamul-goboleedyada iyo federaalka intaba.

Inkasta oo xilliyada ay ciidanka badi siyaasadda ku milmaan ay tahay waqtiyada doorashooyinka, haddana madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dib u habeynta ay ciidanka ku sameeyeen iyo inay siyaasadda ka saareen ay dhaxal-siisay guullo waaweyn oo dhanka amniga ah.

“Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda, oo sanadka aan joognay aysan dhicin. Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-Shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2-aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE idmo.”

“Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib Diini ah oo saaran qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah.”