Halka laga keeney Turkey iyo meesha loo wado Sacuudi

Mahad dhamaanteed alle ayay u sugnaatay,  nabigeena suuban nah naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato. Maqaalkan waxa aan uga hadlayaa Isbadalo Kasocda qaar kamid ah wadamada islaamka,  gaar ahaan Labbo wadan oo Kamid ah wadamada ugu Tunka weyn wadamada islaamka waaana:….

A) Turkiga
B) Saudia Arabia

Labbadaan wadan waxa aan usoo qaatay sababo la xiriira inay yihiin wadamo muraayad u ah islaamka kuwaas oo taariikh ahaanba huwan diinta islaamka.

Xogtaan waxa ay ku koobnaan doontaa qarnigii tagay iyo kan lagu jiro oo kaliya,  waxaana is dul taagi doonaa wadan waliba suu ahaa anigoo isbadaladaas kusaleynaya qoddobada soosocda.

• Hormarinta dhinaca dacwada Diinta islaamka
• Hormarinta Iyo garab qabashada Wadamada islaamka
• Hiigsiga uu mid waliba hiigsanayo siduu u noqon lahaa mid ka ciyaara darajo sare marka lafiiriyo arimaha laxirriira islaamka iyo guud ahaan caalamul islaamiba.

Si aynu u dheehano sirta ku daahsoon awoodaha iyo loolanka maldahan ee ka jira wadamadaan aynu u daadagno gunta dhigaalka inagoo ku horaysiinana Turkiga.

Turkey

Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ay ku shaqeyn jirtay dowladii Cismaaniyiinta,  taas oo u dambeysay Khilaafooyinkii islaamka soomarey. 

Sidoo kale Turkigu waxa uu ahaa xaruntii ugu dambeysay oo uu kataliyo taliska guud ee islaamka.

Awoodii ay ku naaloonaysay Turkigu waxa ay daciiftay bilowgii Qarnigii 18aad.

Kolkaas gaaladu waxa ay isku deydey iney inqilaabto Turkiga,  weyna inqilaabtay.

Sannadii 1924 Mustafe Kamal AtaaTurkey ayaa aas-aasay jamhuuriyada Turkiga.

Reer galbeedku waxay la galeen balan salka ku haysa inaan dib dambe loomaqal khilaafo islaamiya iyo in shareecada islaamka latirtiro, laguna shaqeeyo qaanuunka reer galbeedka Iwm.

 Sannadii 1925 waxa uu soo saaray qaanuun mamnuucaya shacaa’irta islaamka sida:

• Gabadhu iney xijaabato
• Cimaamada madaxa lasaarto
• Salaanta Muslimiinta isku salaaman iyo wixii la halmaala.

Sidoo kale sannadii 1928 waxa uu mamnuucay

• In shareecada islaamka la barto
• In Afka Carabiga lagu adimo
• Raga iyo dumarka iney dhaxalka kasimanyihiin.
• Iwm.

Intaas waxaa usii dheerayd mamnuuc ka ahaanshaha uu mamnuuc ka yahay qof Turkey ahi inuu xajka aado muddo dheer oo 20 iyo dhowr sanno ah.

Masaajidka ugu weynaa Turkiga waxaa loobadalay madxaf dadku ay booqdaan.

Nin layiraahdo Cadnaan madri oo reysal wasaare kanoqday dalkaas kaas oo hogaaminayey xisbul cadaala isagoo loolan doorasho ku jira ayuu raacay diyaarad.

Haggaha diyaarada (Beylood) ka ayaa usheegey rakaabku iney isdiyaariyaan oo ay diyaaradu dhacayso cilad jirta owgeed .

Cadnaan wuxuu balan ku qaaday haduu alle ka badbaadsho shilkan uuna mar hogaanka Turkiga u gacan kalo, inuu kuceliyo islaamnimada.

Awooda alle iyo qadar kiisa qurxoon dartiis wuxuu cadnaan noqday shakhsiga kaliya ee ka badbaaday shilkaas.

Wakhtigu waxa uu is guraba waxaa dhacday doorashadii laga qorshaynayay wadankaas waxaana kusoo baxay codayntii cadnaan,  waxa uuna ku guuleysatay majaro u qabashada dalkaas.

Shacabka Turkigu waxay kujireen nolol adag waxeyna u heelanaayeen qof mar qura ka sheekeeya islaamka.

Cadnaan guushiisii kadib waxa uu shacabkiisa usheegey,  hadii ay dhalato bisha ramadaan in lagaga adimi doono af carabiga gabi ahaan masaajida dalkaas.

shacabkiisu waxay aad ugu riyaaqen arinkaas halka ay aad uga xumaadeen reer galbeedku,  maadama uu ka xuub siibtay dal ay kusoo tababareen cilmaaniyada.

Wakhtigaan la joogo Turkigu ma ahan kii hore ee la dhalan rogay se waa mid kudhisan jaceyl diineed iyo difaacida dadka muslimka ah.

Aan inyar kasii ifiyo Turkiga uu maanta hoggaanka u hayo madexweyne Erdogan,  waxaa aad looga dheehdaa inuu yahay shakhsi kufaana islaanimadiisa kaas dalkiisa iyo dadkiisaba Diin jaceyl ku haga.

Sidoo kale waa hoggaamiye in badan ka shaqeeyey sidii uu Turkigu u noqon lahaa dal hormuud u ah islaamka.

Sidii loo mideyn lahaa dalalka islaamka oo ay isku garabsan lahaayen.

Sidii Diinta loo difaaci lahaa loogana soo horjeedsan lahaa islaam nacaybka.

Difaacida dadka muslimiinta ah ee daafaha Aduunka ku dhaqan hadey soo wajahdo dhibaato.

Udoodida qadiyaha islaaamka sida arinta Walaalaheen reer falastiin.

Turkigu marma marka ka danbaysa waxaa kasoo yeera baaqyo farxad gasha quluubta muslimiinta sida in dib loo furo masjidyo horey madxaf u ahaa.

Waxaa tusaale nool ah wakhti xaadirkan Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaalada Istanbul in markale loo bedalay masjid,  kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.       

Guntayda iyo gunaanadkayga Turkigu waa wadan Koraya dhan kastoo laga qiimeeyo sida 

Saudi Arabia 

Wadankani waa dal ku yaal galbeedka Aasiya oo ka kooban qaybta jasiiradda Carabta.

Sacuudi Carabiya ayaa ah gobolka ugu weyn ee madaxbannaan Bariga Dhexe,  kaas oo juqraafi ahaana ah gobolka shanaad ee ugu weyn Asia tan labaad ee dunida Carabta ka dib Algeria iyo 12aad ee adduunka ugu weyn.

Sacuudi Carabiya ayaa xuddun u ah Jordan iyo Ciraaq waqooyi,  Kuwait ilaa waqooyi bari,  Qadar,  Bahrain iyo Imaaraadka Imaaraadka Carabta xagga bari,  Oman ilaa koonfur iyo yemen xagga koonfureed.

Waxaa laga soocay Israel iyo Masar Gacanka Cadanba,  waana waddanka keliya ee leh xeebta Badda Cas iyo xeebta Gacanka oo badi dhulkeedu wuxuu ka kooban yahay lamadegaan,  dhul hoose iyo buuro.

Sacuudi Carabiya waa isha dhaqaalaha ugu weyn ee Bariga Dhexe ilaa Oktoobar 2018 iyo dalka 18aad ee adduunka ugu weyn.

Saudi Carabia waa wadan dadkiisu muslim yihiin waxaana laga soosaaray Nabigeena Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato.

Sidoo kale waa wadan ay kuyaalaan goobo nagu weyn hadaan nahay dad ku abtirsada islaamka,  waxaa kuyaala Xarameynkii.

Waa wadan Islaamku wada ilaashado maadaama uu yahay xaruntii islaamka waa mid waajib naga saaranyahay inaynu wada Ilaalino sharafta iyo Karaamada Saudia Arabia.

Aynu u daadagno gunta digaalkeena iyo dhulka la isku yiraahdo sacuudi carabiya.

Sacuudigu waa wadan soo maray taariikh iyo mar-xaalado kaladuwan , waa wadan xudun u ahaa furashooyin badan (Fatuuxaad).

Uma dhaadhacayo taariikhdii ay soomartay sacuudi carabiya se waxaan waxyar ka iftiimin doonaa xog yar oo ku saabsan.

Sacuudi carabiyadii mucaasirka ahaa waxa uu ahaa wadan kudhaqma diinta islaamka iskuna xukuma dhamaan shacaa’irta islaamka weliba dhowra.

Waxa uu ahaa wadan Lagu barto shareecada islaamka , wadamada islaamkana ka caawiya xaga faafinta dacwada islaamka.

Sucuudigu wuxuu ahaa wadan xudun u ah mabda’a Salafiga.

Waxa uu ahaa wadan Mar waliba isku arka kan ugu sareeya marka laga hadlayo wax yaabaha kusaabsan Islaamka.

Waxa uu ahaa wadan ka qeyb qaata caawinta dadka dhibaataysan ee kudhaqan wadamada danyarta ah ee islaamka.

Waxa uu siin jiray Waxbarasho bilaash ah ardeyda huwan haybada islaamnimada ah ee daafaha dunida kala joogta.

Waxa uu qeyb kaqaadan jirey hormarada wadamada islaamka ee Faqriga ah.

Nasiib darro wakhtiyadan danbe waxa ay cagta saartay wado hoos u dhigaysa qiimaheeda iyo sumcaday islaamku u hayeen.

Tan micnaheeduna ma’ahan in wanaagii sucuudigu ee aan kor kusoo xusnay uu burburay balse waa saadaal laka dheehan karo in loo baqayo.

Sababtoo ah wakhti xaadirkan uu yimid wiilka dhaxal sugaha ah ee Mohamed binu salmaan,  waxa uu la soo baxay dagaal uu kuhayo kudhaqankii shareecada islaamka.

Marba marka ka danbaysa waxaa kasoo dhalaala waxyaabo aan lagu farxin.

Arimihii udambeyey oo uu ku kacay waxaa kamid ah:

  • Inuu furey goobo koob ciyaar lagu sameeyo (dance).
  • Inuu dhiirigashay isdhexgalka Raga iyo dumarka ajanabiga kala ah taas oo qayb ka noqotay inay iskumeel kuwada qoobka ciyaaraan.
  • In uu wadanka kucasumay dadka ugu xun xun dadka kucaanka ah qoobka ciyaarka (dance ) wadankii ugu barakada badnaa wadamada.
  • Inuu hoos udhigey dacwadii hay’ada fariqada kheyrka iyo kareebida xumaanta taas oo kashaqeyn jirtay Saudi Arabia.
  • Inuu badalay boor kudhaganaa Wadada aada medina Almunawara taas oo ay ku qorneyd “waxaa gali kara dadka muslimka ah” isagoo u badalay aaaga xaramka oo kaliya.
  • Inuu sameeyey xarumo shaneemooyin ah oo la iskugu yimaado.
  • In uu mamnuucay in makarafoonka Salaada kor looqaado uuna diiday in banaanka laga maqlo Quraanka iyo Salaada marka latukanayo.
  • In ay dowladiisu ku dadaaleyso In wadanka laga dhigo wadan loo soodalxiis tago,  taas oo saamayn tabab yeelan karta.
  • Inay ciqaab kala kulmaan culumadii isbida inay wax saxdo.
  • In qadiyadihii Islaamka ee guud aad moodid inuu ka xuubsiibanayo sacuudiga,  xitaa laga cabsi qabo inuu afku is dhalan rogo.

Guud ahaan waxyaabahaasu waxay cadaymo u yihiin dib u socodka kasoo dhalaalaya maamulka furaha u haya sucuudiga oo ah wadanka ugu barakada badan wadamada islaamka.

Waxaa nagu waajib ah inaan ka dhiidhino intii awoodeena ah sidoo kale aan u ducayno inuu alle noo xafido wadamada shacaatirka iyo taariikhaha islaamku ku duuganyihiin gaar ahaan sucuudi carabiya.

Ugu danbayn Ujeedadeydu waxa ay ahayd inaan isla aragno halka Turkiga laga keeney iyo halka loowado,  sido kale halka Sucuudigu joogi jirey iyo halka loowado.

Hadaba waxaa muhiim ah arrimaahaas oo dhan inaan sifiican isha ugu hayno waayo Aduunyada maanta isbadalo iyo tartamo xoogan baa ka socda la socodkooduna waxa ay muhiim noogu yihiin fursaha aan uga diirad qaadan karno sidaan u samayn lahayn isbadal dal iyo dad iyo ka qaadashada waayo-aragnimo mid taban iyo mid toggan bah.

Waxaan idin ku dhex xusuusin dhigaalkan in lagu jiro xilli adag,  waxaa muhiim ah inaan diinteena gows dambeedka ku qabsano oo kudhaqankeedana kudadaalno.

Sidoo kale aynu isku ducayno In Alle mideeyo Umadda islaamka.
Alle iimaanka hanagu sugo, Khaatumadana hanoo wanaajiyo.

Abdirahman Mohamed Aden – Waxaad kala xiriiri kartaa Jaaburi999@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid