Laba dhacdo oo kala duwan oo Taliye Shub uu ka sheegay weerarkii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay rasaastii lagu furay kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha ayaa hadalkiisi ugu horeeyay ku sheegay in falkaas uu u dhacay qaab aan ku talo-gal aheyn, isagoona raali-gelin ka bixiyey wixii ka dhacay agagaarka maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu xabadeeyay Xasan Sheekh.

“Ilaali la socotay Xasan Sheekh ayaa waxa ku qaldamay ciidankii Asluubta, shil ayaa dhacay oo cid loogu talo-galay majirin, madaxweynihiina waa ka raali-gelinaynaa iyo umadda Soomaaliyeedba,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta.

Maalin kadib, Taliyaha ayaa eedeynta u weyn ee falkaas dusha u saaray ilaalada madaxweynihii hore, isagoona sheegay hadal ka duwan midkiisi hore ee kor ku xusan, wuxuuna sheegay in rasaasta ay bilaabeen ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh oo ka gudbay barkatarool ee lagu rasaaseeyay, kadib markii ay isku dayeen inay hubiyaan gawaarida uu saarna madaxweynaha hore.

“Gaariga cabdi-bilaha ee ilaalada madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gudbay. Waxay ahayd inay istaagaan. Haddii uu dhihi lahaa waxaan wadnaa madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud, askarta jidkey u furi lahayd ma dhihin ee waa gudbay,” ayuu yiri.

“Kadib markii uu gudbay, wuxuu joojiyeen (ciidamada) gaariga dambe si ay u hubsadaan. Gaarigii gudbay ayaa xabad soo billaabay. Kaamiraa jirto, umad badanaa joogtay. Waxa aan sheegayana waa wax cad. Dhibaatada Cabdi-bilahaas ayaa sameeyay. Wuxuu dili gaaray ninkii uu ilaalinayay.”

“Haddii cidi xabad kugu soo riddo, waxay tahayna aadan ogayn, adigana aad xabad haysato, faataxa lama akhrinaayo ee xabad baa loogu jawaabayaa, markaa arrinka xabadda sidaa bay ku dhacday, ma ahan wax Asluubtu bilowday.”

Hadallada Taliyaha ee is-burinaya ayaa dhaliyey hadal hayn badan, ayada oo dadka qaar ay su’aal geliyeen arrinta keentay in labo mar uu siyaabo kala duwan uga hadlo rasaastii lagu furay Xasan Sheekh, xili xildhibaano la socday madaxweynihii hore ay ku tilmaameen “isku-dey dil oo bareer ah,” ayagoona ka dalbaday madaxda dalka inay baaris ku sameeyaan.