Macallin iskuul oo xaaskiisa si arxan daran ugu dilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay fal aad looga argagaxo, kadib markii Macallin iskuul uu si arxan daran u dilay xaaskiisa, sida ay sheegeen goobjoogeeyaal iyo qoyska gabadha la dilay.

Bashiir Cabdi oo ahaa macallin wax ka dhiga iskuulka Hanti-wadaag ayaa lagu eedeeyey in gurigii uu ka guursaday ku dilay xaaskiisa Salaado Faarax Cali oo u dhashay hal gabar, dhacdadaan oo ka dhacday degmada Warta Nabadda {Ex-Wardhiigleey}.

Ehelada marxuumada ayaa waxay sheegeen in argagax leh uu u dilay marxuumada, isagoo madaxa iyo qeybaha kore jirkeeda bir ugu garaacay taasoo keentay in dadku ay ka argagaxaan markii la arkay marxuumada oo gacmaha ka xerxeran oo meyd ah.

Qoyska gabadha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in bilihii u danbeeyay aysan lamaanahaasi xiriirkooda fiicneyn wax wada hadalna uusan ka dhaxeyn, taasoo labada qoys ay xal u waayeen.

Dilka marxuumad Salaado Faarax Cali ayaa si weyn looga argagaxay. waxayna qoyska gabadha ay ka codsadeen DF in loo caddaalad falo marxuumada.

Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa hadda baadi goob ugu jira macalinka dilka u geestay xaaskiisa oo baxsaday. Macalinka dilka geestay ayaa caan ka ahaa degmada Warta Nabada uu degnaa sidoo kale macalin ka ahaa