Halka sabab ee ay quwado badan oo caalamka ah ugu loolamayaan Somalia

Waxaa jira 4 marin-biyood oo maraakiibta sida shidaalka ay maraan 80%. 4-tan Marin-biyood waxey lafdhabar u yihiin dhaqaalaha caalamka, sidaa darteed goobaha ay ku yaalaan marin biyoodyadani waxey noqdeen goobo ay ku hardamaan wadamada caalamka ugu awooda badan, waxeyna ku leeyihiin Saldhigyo ciidan si ay danahooda ugu ilaashadaan.

Marinadaa midka ugu muhiimsan waa Marinka Xurmus ( Strait of Hormuz) waxaa maalintii marta maraakiib sita qiyaastii 19 malyan oo fuusto shidaal ah sida ay sheegeen hay’ada Mareykanka EIA (Energy Information Administration) wuxuuna ku yaal inta u dhaxeysa Gacanka Beersiya iyo Gacanka Cumaan (Persian Golf iyo Golf of Oman). Marinkan dhinaca waqooyi/galbeed wuxuu u dhacaa dalka Iraan dhinaca bari dalka Imaaraadka Carabta dhinaca Koonfurna dalka Cumaan ayaa maamusha waxaana marinkan ku sugan maraakiib dagaal oo uu wadanka Mareykanka leeyahay.

Dowlada Iraan ayaa dhowr mar ku hanjabtey in ay xiri doonto marinkan gaar ahaan marka ay isqabtaan dowlada Mareykanka.

Mareykanka ayaa iyaguna ka bixiya jawaab ah in talaabo milatari ka qaadi doonto haddii dowlada Iraan isku daydo in ay xirto marinkaas. Marinkan ayaa mara maraakiibta shidaalka ka soo qaada dalalka Sacuudiga, Kuweyt, Ciraaq, Qatar iyo Iraan.

Marinka labaad ee caalamka ugu muhiimsan waa Marin biyoodka Malaka ( Strait of Malacca) wuxuuna dhacaa badda u dhaxeysa wadamada Maleysiya iyo Indonisiya (Badweynta Hindiya).

Waxaa maalintii marta maraakiib sida qiyaastii 15.2 malyan oo fuusto shidaal ah waana marinka keliya ee maraakiibta shidaalka sida u maraan wadamada Shiinaha, Jabaan , Australia iyo wadamo badan oo bariga Aasiya ku yaal. Mareykanka ayaa saldhigyo milateri ku leh wadamada Thailand iyo Philippines si hadii ay isqabtaan dalka Shiinaha ugu xiro marinkan.

Kan seddaxaad waa Baab Al Mandan ( Bab El Mandan) waxaana qiyaastii maalintii marta maraakiib sida 4 malyan fuusto oo shidaal ah.

Dalalka Jabuuti iyo Yemen ayuu ku yaal halka ugu dhuuban marinkan oo (18 miles) keliya ah balaciisa. Baal Al Mandan waa marinka ugu qalalaasaha badan maxaa yeeley dhinaca Yemen waxaa gacanta ku haya falaagada Xuudiyiinta oo gacansaar la leh dalka Iraan waxeyna dhamaadkii bishii Juley 2018 gandaal ku rideen oo ku qasbeen in dib u laabtaan laba markab oo Sacuudiga lahaa oo sidey midkiiba shidaal gaarayey hal malyan oo fuusto. Waana sababta ay hadda dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka u doonayaan in ay saldhig milatari ka sameystaan magaalada Berbera.

Dalka Jabuutina muhiimka ka dhigey oo ay saldhig ciidan ugu leeyihiin dalaka Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Talyaaniga si marinkaa danahooda ugu ilaashadaan. Waxaa sidoo kale badda cas iyo badweynta hindiya ku sugan maraakiib tira badan oo dagaal oo kala leeyihiin Ruushka, Wadamada Reer Yurub, Shiinaha iyo Mareykanka kuwasoo qaarkood ku jooga in ay la dagaalayaan burcad badeedda Soomaalida.

Kan Afaraad waa Kanaalka Suweys oo ay maraan gebi ahaan maraakiibta ka gudubta marinka Baab Al Mandan.

Wadanka Soomaaliya oo ku yaal meel aan ka fogeyn Baab Al Mandab sababtaas ayey quwado badan oo caalamka ay ugu loolamayaan, marka laga tago dekadaheena iyo shidaalka.

WD: Ilyaas Maxamuud Xuseen