Halka uu salka ku hayo rabitaanka Saciid Deni iyo laba arrin oo horyaalla Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal dheer oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Arrintan ayaa la fahamsan yahay inay ka dhalatay diidmada fogaatay ee Saciid Cabdullaahi Deni uu ka qabo dowladda federaalka, tan iyo markii ay idlaatay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya iyo dhismaha dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Tan iyo xiligaas Saciid Deni wuxuu muujinayay inay is-diidan yihiin danaha Puntland iyo midda federaalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo ahaa mid si weyn isha loogu wada hayay, maadama ay jireen doodo waaweyn oo ku saabsana heshiis siyaasadeedka, dhismaha ciidan qaran, heshiiska garsoor madax-banaan iyo kala saarista awoodaha labada heer dowladeed oo boos weyn ka ah dhameystirka Dastuurka, ayaa waxay Puntland diiday inay wax ka saxiixdo qoddobo kamid ah heshiiskii lagu gaaray.

Qoddobadan uu ka horyimid Saciid Deni ayaa kala ahaa; dhismaha Garsoorka iyo kala shaandheynta awoodaha labada heer dowladeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan isku dayay inuu qaboojiyo diidmada Puntland ee labadaasi qoddob, ayaa wuxuu dhaliilay sida ay saxaafadda u taxliilisay inay Puntland diiday saxiixa labadaas qoddob.

Laakiin hogaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu dambeyn arrintaasi ka hadlay, isaga oo sheegay in dowladad Xamar fadhisa ay raadineyso inay soo celiso nidaamkii dowlad dhexe oo awood leh, taas oo sida uu sheegay khilaafsan wixii ay raadineysay Puntland.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muddo dhowr sanno ah kula dirirayay Farmaajo damaciisi dowlad dhexe oo awood leh.

Inkasta oo Xasan uu marnaba sheegin rabitaanka dowlad dhexe oo awoodeeda ay Xamar taallo, taas badalkeeda uu marar badan soo bandhigay sida u rabo in la daadajiyo nidaamka federaalka, haddana Deni wuxuu markii u horeysay sheegay in Muqdisho raadineyso dowlad dhexe oo awood leh.

Sidoo kale Saciid Deni waxyaabaha uu diidan yahay waxa uu ka xusay dhameystirka Dastuurka, wuxuu sheegay in la rabo in aan lasoo hadal qaadin arrinta Somaliland oo sidaas lagu dhameystiro Dastuurka, taas oo gobolada Sool iyo Sanaag gacanta u galinaysa Somaliland, waa sida uu xiligaas hadalka u yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Arrintan marka hadalka Saciid Deni laga tago madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo madaxda federaalka midna ma sheegin.

Dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in arrinta Somaliland ee gooni isku taaga in dowladiisa ay meel adag ka taagan tahay, gooni isku taag uusan ogoleyn midnimadana uu ilaalin doono.

Inkasta oo nidaamka Xasan Sheekh lagu dhaliilay sida ay uga fal-celiyeen arrinta Laascaanood, haddana Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore iyo haddaba ma qaadin wax dhiiri-gelinaya damaca gooni isku taaga Somaliland.

Hadalka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xiligaas waxa uu si weyn banaanka ugu soo saaray khilaafkii waayadan la qarinayay ee isaga iyo Villa Somalia, kaasi oo hadda xarka goostay sida muuqata.

Deni waxa muddo xileedkiisa ka dhiman hal sano, wuxuuna dhawaan dib u bilaabay mashruuc ugu magac daray “Dimuqraadiyeynta Puntland” wallow mucaaridkiisa diidan yihiin oo ay ku tilmaameen dariiqi muddo kororsiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa hadda hortaalla in Deni iyo nidaamkiisa mudada u hartay ka gaabsado oo uu sugo hoggaanka cusub ee imaan doona Puntland, si qadiyadaha dhiman ugala shaqeeyo ama in uu aqbalo sida uu wax u rabo hogaamiyaha sanadka u dhiman yahay ee Saciid Cabdullaahi Deni.

Si dhab ahaan loogu qaato dooda fogaatay ee Saciid Deni waxay u baahan tahay in afarta maamul kale iyo gobolka Banaadir go’aanadooda waxba kama jiraan laga soo qaado.

Dowladda federaalka waxa horyaalla cinwaan weyn oo la yiraahdo “Xasillooni siyaasadeed” taas oo kamid ah waxyaabaha caawinaya barnaamijka deyn cafinta.

In maamulada iyo dowladda federaalka ah is-ogol ku wada socdaan waa qeyb ka mid ah macnaha xasilloonida siyaasadeed ee laga rabo dowladda Soomaaliya.

Inkasta oo la fahamsan yahay in aanay Xasan Sheekh hadda uga badin khilaaf ayaa haddana waxa la eegaya sida uu qorshooyinkiisa dowladnimada u dhaafiyo damaciisa siyaasiga ah ee Saciid Cabdullaahi Deni.