Dhageyso: Sheekh caan ah oo ka sheekeeyay dhibaato ay Al-Shabaab u geysteen

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen, oo kooxda Al-Shabaab ay 11-sano ka hor ka soo musaafurisay degaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe, ayaa hadda sheegay inuu dib ugu laabanayo deegaankii.

Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay Masaajid Cali-gaduud ku lahaa masjid weyn oo in ka badan 50 sano uu Kitaabo ka akhrinayey.

Sheekha ayaa xaqiijiyey inuu dib u bilaabayo duruustii diinta Islaamka ee dadka uu bari jiray ka hor inta aysan deegaankaas ka soo ceyrsan kooxda Al-Shabaab, oo aad u baacsata dadka aqoonta dheer u leh diinta islaamka.

Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen ayaa aad looga jeclaa degaanka Masaajid Cali-gaduud, waxaana xusid mudan in masjidkii uu Kitaabada ka akhri jiray ay Al-Shabaab ka dhigteen Bakhaar ay hubka dhigtaan.

“Al-Shabaab waa i dhibi jireen, in ay i dilaan ayey go’aansadeen dhowr mar, balse Alle ayaa iga badbaadiyey, waana isaga soo cararay deegaankii, waxay igu heysteen in deegaanka aan ka ahaa Sheekh la jecelyahay,” ayuu yiri Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in hadda uu dib u dhisayo masaajidkii ay Al-Shabaab bakhaarka u bedaleen 10 sano ka hor, oo duruustii diinta Islaamka uu dib ugu bilaabayo dadkiisii jeclaa.

“Waxaa asal ah in amni la helo, deegaankeygii Masaajid Cali-gaduud hadda waa la xoreeyey waana ku laabanaa, masaajidkiina dib ayaan u dhisayaa, ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay amniga ku dadaala, hadii nabad la helo wax kasta waa la helaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah burburinta goobaha cibaadada, waxaana deegaanadii laga xoreeyey laga soo tebiyaa dhacdooyin xanuun badan oo ay u geysa jireen dadka iyo diinta.

Hoos ka dhageyso wareysiga