Soomaaliya: Maxay ka dhigan tahay tallaabada cusub ee Mareykanku uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii Soomaaliya ku wareejisay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab si loogu xaoojiyo ciidanka dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Sahaydan, oo qiimaheedu ahaa 9 milyan oo dollar, ayaa waxaa ka mid ah hubka culus, baabuurta gaashaaman, kuwa dhismaha, qalabka lagu baaro walxaha qaraxa, agabka dayaxtirka gaadiidka ciidamada iyo hubka.

“Waxaan ku faraxsannahay guusha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalka taariikhiga ah ee ay ku xoreynayaan bulshooyinka Soomaaliyeed ee ay dhibaateysan Al-shabaab,” ayuu yiri danjire Andre. “Waa dagaal ay Soomaali hormuud ka tahay oo ay Soomaali dagaallameyso. Maraykanku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkan,” waxaa sidaas yiri safiirka Mreykanka ee Soomaaliya Larry Andre. 

“Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu yiri wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Haddaba arrintani maxay ka dhigan tahay?

Inkastoo Soomaaliya ay saarantahay cunnaqabateynta hubka haddana dowladii kala dambeyay mid walba oo ka mid ah waxay dadaal galisay in dalka laga qaado cunnaqabateynta. Balse dhamaantood kuma aysan guuleysan.

 Maxamed Mukhtaar Ibraahim, oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya,ayaa aaminsan in hubkan la siiyay dowladda Soomaaliya uu wax badan ku kordhin doono gaarhaan marka laga fiiriyo dagaalka dowladdu xilligaan kula jirto Shabaab.

Wuxuu sheegay in sidoo kale taageerada dowladda federaalku ka hesho dalalka kale aysan ku ekeyn oo kaliya hub, balse la siiyo waxyaabo kale sida cunto iyo dawooyin kuwaas oo gacan ka gaysan kara howgallada socda.

“Hubka hadda la siiyay ciidamada dagaalka runtii wuu ka anfacayaa,” ayuu yiri  wasiir hore Maxamed Mukhtaar Ibraahim. Wuxuu intaa raaciyay” runtii waa tallaabo soo dhweyn mudan”

Sidoo kale Muktaar ayaa aaminsan in ciidamada Macawisley ay xitaa helayaan waxyaabaha ay u baahan yihiin marka la eego kaalmadan agabka kala duwan isugu jirta ee la siiyay dowladda Soomaaliya.

Mar la waydiyay in hubkaan isticmaalkiisa ay u diyaarsanyihiin ciidamada Soomaaliya wuxuu sheegay in hubkaan aanu ku cusbeyn ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. “Runtii hubka hadda Soomaaliya la siinayo maaha hub ku cusub oo aaney aad u garaneyn ma aha waa hub loo tababaray isticmaalkiisa,”.

Ciidamada Mareykanka

Sanadkii la soo dhaafay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas, kuwaas oo

maamulkii madaxweyne Donald Trump bishii December ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 “Madaxweyne Biden ayaa xilligaas oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.