Halkee ayey mareysaa dacwadii wariye Coldoon?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa muddo 20-cisho ah u xiran xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, isagoona dhowr jeerna la horgeeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex.

Wariye Coldoon ayaa waxa loo haysta qoraalo kala duwan oo uu ku qorey bartiisa Facebook, kuwaasi oo xukuumada Muuse Biixi ay dhibsatay oo ay u aragto kuwo ku haya dhibaato.

Garyaqaanka u doodaya Wariye Coldoon oo ka hadlaya dacwad wariyaha ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyey eedaha loo haysto, wuxuuna yiri “Coldoon waxa la hor keenay maxkamada tiraba saddex jeer, weli dacwad rasmi ah dowladdu kuma soo oogin, laakiin eedaha hordhaca ah ee booliska iyo hay’adaha dambi baaristu maxkamadaha hor keenen waxay la xiriirtaa qoraalada uu Coldoon ku qoro Facebook oo sidan mar horeba sheegay ay dowladdu dhibsatay”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa ceeb noo noqoneysa qof Suxufiya loo xiro war baa sheegtay ama hadal baa sheegtay, waxyaabaha la yaabka leh ee Coldoon lagu haysto ayaa waxa kamid ah, labo taliye oo xanuusaday oo la dhigay isbitaalo ka baxsan wadanka gudihiisa, ayuu qoroo yiri ‘teliye hebel iyo teliye hebel ayaa xanuusado la dhigay isbitaal’ intaasa loo haysta oo markaa waxa la yiri sir qaran baa bixisey oo ciidankii baa sharaftoodi meel kaga dhacday, markaa ma garanayo xanuunku goortu dambi noqday in la sheego”.

Dhinaca kale, Wiil ay walaalo yihiin Wariye Coldoon oo lagu magacaabo C/raxmaan, ayaa isaguna ka waramay waxyaabaha loo soo xiray Coldoon, isagoona Caasimada Online u sheegay in Wariyaha lagu soo xiray hadalo uu isagu qorin oo ku saabsan Saraakiil isku deegaan ah.

“Waxyar ka hor ayaan la hadlay Coldoon isagoo dhakhtarka jooga, wuxuuna ii sheegay in Ciidamadii Maxkamada geyay ay ku oogen dambi ah inuu wax ka sheegay ciidanka Somaliland, kuwaasi oo ku eedeynayey hadal uu qorin oo ku saabsan Saraakiil tiro badan oo isku beela kasoo jeeda”. ayuu yiri C/raxmaan.

Sidoo kale C/raxman ayaa sheegay inay Xukuumada Muuse Biixi ay ciil badan u qabto Coldoon, kaasi oo ku tilmaamay talaabadan xadhigiisi mid ay Xukuumadu ku aarsaneyso.

Si kastaba, Wariye Coldoon ayey Ciidamada Boolisku kasoo qabteen magaalada Burco 17-kii bishii hore ee April, iyadoo xarigiisana loo marin sifo-sharci ah sida uu hore u sheegay Gudoomiyihii hore ee maxkmada Gobolka Marood-jeex.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com