Haweenay ay Al-Shabaab ‘tababareen’ oo lagu arkay dhoolatus ka dhacay dalka…

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada dambi baarista Kenya ayaa xabsiga u taxaabay haweenay looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo xuduuda Kenya.

Agaasimaha waaxda dambi baarista, George Kinoti ayaa sheegay in ciidamo fadhigoodu yahay saldhiga Soghor ay xabsiga u taxaabeen haweenaydaas, oo la sheegay inay ka qayb-gashay dhoolatuska qoritaanka askarta cusub ee milatariga Kenya.

“Haweeneydu waxay u sheegtay dambi-baarayaasha inay Soomaaliya ku sugnayd laba sano, iyadoo sheegtay in ay Al-Shabab ka afduubteen deegaanka Kilifi, sannadkii 2019,” ayuu yiri George Kinoti.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in haweenaydu ay qiratay in la baray xirfado ku saabsan maaraynta hubka, afduubka, isticmaalka walxaha qarxa iyo sidoo kale xirfado kale

Haweeneyda looga shakisan yahay inay xiriir la leedahay kooxda Al-Shabaab ayaa fiidnimadii Talaadadii lagu xiray deegaanka Tinderet ee gobolka Nandi.

Xariga haweenaydan ayaa imanaya maalmo kadib markii madaxweynaha Kenya uu bixiyey amar guud oo la xiriira amaanka guud ee dalkaas, kadib weeraro baqdin geliyay oo ka dhacay Uganda.

Kenya ayaa feejignaan dheeri ah ku jirta tan iyo markii ay kasoo dartay cabsida laga qabo in dalkaas ay ka dhacaan falal argagixiso.

Dowladda Kenya ayaa kamid ah dalalka ciidamada ku taageera Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, oo ayagu ku sugan qeybo kamid ah dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii