Haweeneydii ugu horeysay oo duqa degmada Boosaaso u tartameyso

Boosaaso (Caasimada Online)-Muna Xuseen Gacayte oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanada ah ee kasoo jeeda deegaanada gobolka Bari, gaar ahaan degmada Bosaaso ayaa isu soo sharaxday xilka Duqa Degmada Bosaaso oo bilaha fooda inagu soo haya lagu wado inay doorashadiisu qabsoonto.

Muna oo ah aqoonyahanad dalka dibadiisa wax kusoo barratry, balse mudooyinkii ugu dameeyey ku sugnayd gudaha dalka kuna shaqaynaysay ayaa la filayaa inay xilkaan tartan adag u gasho.

Musharax Muna so Saxaafada la hadashay ayaa beelaha xubnaha ku leh Golaha Deegaanka ugu baaqday inay codkoosa siiyaan xiliga doorashada, si bay tiri magaalada Bosaaso ay uga samata baxdo baahiyaha kala duwan ee xiligan ka jira.

Musharax Muna waxqabadka ay balan qaaday ayaa waxa ka mid ah daboolida baahiyaha waxbarashada bulshada deegaanka, baahiyaha caafimaadka iyo Amniga oo ay sheegtay inay aqoon dheer u leedahay iyo in cid walba ay u sinnaan doonaan xuquuqda asaasiga uu u leeyahay ee looga baahan yahay maamulka gobolka.