Hawiye: Cabdi Weli dagaal ayuu nagula jiraa, ee wuxuu ka helo aan aragno

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku eedeeyay inaanu dhex dhexaad ka ahayn colaada ka taagan Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu la saftay mid ka mid ah beelaha ku wada hardamaaya gacan ku haynta Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu sidoo kale uu Ra’iisal Wasaaruhu uu ku eedeeyay in uu ka shaqeynaayo, sidii uu dhiig hor leh ugu qaban lahaa Gobolka Shabeellaha Hoose, bedelkii uu xalkeedu raadin lahaa, sida uu yiri.

Axmed Diiriye, ayaa Ra’iisal Wasaare-yaashii kale ee Beesha Mareexaan ee soo maray Xukuumadihii hore, sida Farmaajo iyo Saaci, waxa uu ku ammaanay xubno u khalmay xilalkoodii, halka C/weli uu ku dhaliilay in uu yeelaayo hadba sida uu doono.

“Cabdi Weli waxa uu dagaal kula jiraa beelaha Hawiye, waxa uu ka helo ayuuse lee yahay” ayuu yiri Axmed Diiriye

Nabadoon Diiriye wuxuu hadalkaan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com