Guddiga dastuurka BFS oo shaaciyey arrin dad badan niyad jab ku abuurtay

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga dastuurka KMG ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay hiigsiga 2016-ka oo la rabo in dalka ay ka dhacdo doorasho dadka ay u daroortaan.

Guddoomiyaha guddiga dastuurka Maryam Cariif Qaasim oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegtay in rajo badan aaney ka lahayn guddigooda doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya balse waxay sheegtay in ku dedaali doonaan siddii loo dhammeestiri lahaa qabyo qoraalka datuurka KMG ah ee dalka u yaalla.

Waxay sheegtay in howsha u taalla iyo waqtiga u harsan aysan isku mid ahayn sidaas darteedna ay u baahan yihiin in dad weynaha la baro dastuurka is afti dadweyne loo qaado dabadeedna la dhaqan galiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in sannadka marka uu yahay 2016-ka ay gaarsiiso dalka doorasho ka dhacdo si dadku ay u soo doortaan madaxweynaha ay rabaan.

Si kastaba, xeel dheerayaasha arrimaha siyaasadda ayaa leh marka loo eego baarlamaanka Soomaaliya sidda uu hadda u shaqeeyo iyo howlaha hor yaalla waa kaaf iyo kala dheeri, mana muuqato doorasho ka dhacdo dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com