Hay’ad caawisa danyarta oo magaalada Muqdisho looga dhawaaqay + Sawirro

Moqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Mohamed Sheikh Ali Foundation oo magaceeda loo soo gaabiyo MSAF ayaa looga dhaawaaqay caasimadda Moqdisho.

Hay’addaan ayaa waxay caawin doontaa ama u adeegi doontaa agoonta iyo dadka danyarta ah, waxaana aragtideeda lahaa Allaha u naxariistee Mohamed Sheikh Ali, oo kooxo hubeysan ay sannad ka hor ku dileen Moqdisho.

Waxaa madasha furitaanka goob-joog qeybaha kala duwan ee bulshada, dhallinyaro dalka iyo dibadda wax kusoo bartay, odayaal, xildhibaanno iyo madax ka socotay xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha.

2dii August 2018kii ayaa Mohamed Sheikh Ali oo lahaa hal abuurka sameynta hay’addaan waxaa lagu dilay Moqdisho, laakiin haatan riyaddiisii waa loo dhammeystiray.

Mohamed Sheikh Ali Foundtion ayaana danyarta garab ka siin doonta arrimaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo wax walba oo ay u baahan yihiin.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirro