Hay’ad soo jeedisay in wada-hadal lala galo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha caalamka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada geeska Africa.

Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo ururka Al-Shabaab maadaama dagaal looga adkaan waayey muddo 15 sano ah/

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayey kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo Al-Shabaab.

Al-shabab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda, waxayna si cad u diidan tahay jiritaanka Dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo dhawaan wareysi bixiyey ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la galeyn dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inaysan u aqoonsaneyn dowlad.

Saarkaalkaas ayaa sheegay inay qorsheenayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Soomaaliya. Dowladdii hore ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay qorsheeneysay inay wada-hadal la furto kooxda Al-Shabaab inkastoo aan arrintaas caddeyn rasmi ah loo heyn.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gacanta ku heyso magaalooyin ku yaalo Soomaaliya, waxaana ka dhinac dagaalamo dagaalyahano ajaanib ah oo gabaad ka dhigtay Soomaaliya.