Hay’adda ICG oo Soomaaliya kasoo saartay DIGNIIN ku saabsan ciidanka Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICG ayaa digniin culus kasoo saartay in Ciidamada AMISOM laga saaro gudaha Soomaaliya iyadoo aan la heyn ciddii Amniga kala wareegi laheyd.

Hey’adda ayaa sheegtay inay walaac xoog leh ka qabto hubanti la’aanta ka jirto mustaqbalka ciidamada AMISOM maadaama waqtiga howlgalkaan uu ku egyahay 31-ka December 2021.

ICG ayaa xustay in kooxda Al-Shabaab ay durba la wareegi doonto guud ahaan Soomaaliya haddii ay ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya, waxayna ku baaqday in laga fiirsado tallaabadaas oo ay sheegtay inay saameyn ku yeelan doonto Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Africa.

Hey’adda waxay sheegtay in Deeq-bixiyayaasha taageera AMISOM ay rabaan dib-u-habayn iyo in la dhimo tirada ciiddamada, halka AU iyo dawladdaha ciidamada ku deeqay ay raadinayaan maaliyad la isku halayn karo iyo in howlgalka lasii ballaariyo.

“AMISOM waxay lama huraan u tahay ilaalinta cabbirka xasilloonida Soomaaliya. Ka bixitaankeeda degdega ah waxa ay dhiirigelinaysaa kacdoonka Al-Shabaab, waxaana laga yaabaa in dalka uu galo fowdo. Laakiin deeq-bixiyayaashuna waxay ka caga jiidayaan hawl-gal aan horumar yar ka samayn dagaalka ka dhan ka ah xagjirnimada ee ka socda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ICG.

Hey’adda ayaa ku talisay in illaa lix bil oo dheeri ah loogu daro howlgalka Midowga Africa ee AMISOM si saaxiibada AMISOM ay waqtigaas ku diyaariyaan qorsho dib u habeyn ah oo socon doono muddo 5 sano ah.

Waxay sheegtay inay lagama maarmaan tahay in howlgalka AMISOM dhaqaale looga raadiyo Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo dhinacyada kale ee ka qeyb qaadan karo sii socosashada howlgalka AMISOM.

Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa Soomaaliya ka socday ku dhawaad 15 sano illaa haddana laguma guuleysan ujeedadii loo bilaabay oo aheyd in laga adkaado kooxda Al-Shabaab.