Doorashada Soomaaliya ‘oo dhaafi doonta’ Febraayo 2022

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada sida weyn u faaqida arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay caga jiidka ka jira qasoomidda doorashada Federaalka Soomaaliya.

Prof. Xasan ayaa xusay in sida ay wax ku socdaan ay muujineyso in doorashada ay dhaafi doonto bisha February ee sanadka 2022, markaasi oo ku beegan laba sano kadib markii uu dhammaaday muddo xileedka Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashada waqtigeeda wuxuu ahaa 2020, waxay soo gaartay 2021, waxaana rumeysannahay inay gaari doonto illaa 2022, waxaana caddeyn u ah sida ay hadda wax u socdaan, waxaana la isla dhaafi doonaa 8 February,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Prof. Xasan, oo sharaxayey macnaha ay ka dhigan tahay in qofka kursiga ku dhafiyo uu muddo dheeri ah ku darsado, ayaa sheegay inaysan jirin farqi u dhaxeeyo 1 maalin iyo 100 maalin.

“Inaad hal maalin ku darsato iyo inaad 100 maalin ku darsato wax macno ah oo u dhaxeeyo malahan, waa in damiirkaaga uu kuu sheego inaad meel qaldan joogto oo aadan u qaadan inaad tahay nin caqli badan oo meesha iska sii joogi kara,” ayuu yiri.

Mar uu doorashada sida ay u socotay ka hadlayey ayuu sheegay in doorashada aysan kaliya hab raac aheyn iyo qoraalo lasoo saaro balse ay u baahan tahay fullin.

“Doorashada sida ay ku socoto haddii ay dadka ku qanci waayaan, hadhow sharci uma aqoonsan doonaan waxa kasoo baxa, waxaana taas ka dhallan karta xasilooni la’aan siyaasadeed,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in haddii doorashada la isku dayo in la masuq-maasuqa ay ka dhallin doonto inay soo baxdo natiijo lamid ah middii doorashadii 1969-kii, oo uu dalka geli doono dhibaato horleh.