Guddiga doorashada oo soo saaray amar la xiriira kuraasta ay GALMUDUG shaacisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Gudiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay liiska kuraasta ugu horeysay ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay maamulka Galmudug.

Afhayeenka ayaa uga mahad-celiyay guddiga doorashooyinka Galmudug, oo noqday guddigii u horeeyay ee heer dowlad goboleedka ah oo soo saara liiska kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Waxa uu faray Beelaha leh kuraastaas iyo dhaqankooda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo xulaan Ergooyinka kuraastaas, si loo tobabaro doorasho ka hor, sida uu sheegay.

“Sidoo kale waxaa u mahad-celineyna garwadeenka doorashada Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble oo runtii dadaal dheeraad ah ka muujiyey isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo oo uu kamid yahay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal,” ayuu yiri Afhayeen Safiina.

Warqad shalay kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey illaa 5 kursi oo lambaradooda ay kala yihiin HOP#043, HOP#054 ,HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo ay horay ugu kala fadhiyeen xildhibaanada kala ah Xuseen Qaasim Yuusuf, Cabdishakur Cali Mire, Mahad Cabdalle Cawad, Cabdullahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) & Ikraan Aadan Absuge.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda la guda-geli doono qabashada doorashada shantaasi kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa maanta wixii ka dambeeya si rasmi ah u guda-gali doono diiwaan-gelinta odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo ergada wax dooraneysa.