Maxaa kasoo baxay shirkii DOORASHADA ee lagu soo geba-gebeeyey MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadlayey doorashooyinka dalka, gaar ahaan xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka ayaa shalay lagu soo geba-gebeeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay kuraasta gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga oo yaalla caasimada.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen haween iskugu jira musharaxiin kuraasta baarlamaanka, xildhibaano ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad iyo xubno ka socday wasaaradda haweenka Soomaaliya.

Shirka ayaa laga soo saaray digniin ku aadan in haweenka la duudsiiyo kuraasta Golaha Shacabka, ayaga oo sheegay in Sagaal kursi oo ah kuwa gobolada Waqooyi, islamarkaana dhawaan la shaaciyey ay ku jiraan labo kursi oo mad-madow badan ku gadaaman yahay.

“Waxaa Sagaalkaas ku jira afar gabdhood, labo kamid ah sagaalkaas koontada ayey ku xaqiijisan yihiin oo wax muran ah kama jiro laakiin labadii kale weeyi, waxaa leenahay koontada ay ku fadhiyaan gabdhaha ha ku tartamaan gabdhaha Soomaaliyeed.”

“Haweenka ayaa ilaalin kara qoondada oo Nin ma ilaalin karo,” ayey sidoo kale tiri haween kamid ah mas’uuliyiinta iskugu yimid shirkaan oo lagu eegayay xaqiijinta qoondada Haweenka 30%.

Waxay sheegen in doorashadii Aqalka Sare ay u dhacday si wanaagsan, islamarkaana uusan jirin xad-gudub ka dhan ah qoondada Haweenka, islamarkaana loo baahan yahay in doorashada Golaha Shacabka la doodsiin koontadooda.

Heshiiskii doorashada ee ay hore u gaareen madaxda sarre ee dalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa qeyb ka ahaa ilaalinta qoondada oo markale looga arrinsanayey magaalada Muqdisho.