25.3 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Xiisadda beeleed ee keentay in Yuusuf Geelle uu iska casilo AQALKA SARE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaan Dhagey Geelle ayaa 15-kii bishan qaaday tallaabo lama filaan oo uu uga tegay kursigii Aqalka Sare ee uu ku guuleystay bishii August, sida ku cad warqad uu u diray madaxweyne Qoor Qoor oo shalay soo shaac baxday.

Yuusuf Geelle oo sharxaya sababta uu kursiga uga tegay ayaa qoraalkiisa ku yiri “Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad qaba.”

Caasimada Online ayaa ogaatay in is-casilaadda Yuusuf Geelle ay ugu wacan tahay xiisad iyo dood dhowaanahan ka dhex jirtay beesha Duduble oo ku aadan hab qeybsiga shanta kursi oo ay ku leeyihiin baarlamanka (Afar golaha shacabka ah iyo hal aqalka sare ah.)

Jufada hoose ee uu kasoo jeedo Yuusuf Geelle ayaa isku haysatay laba kursi oo mid uu ku fadhiyey Yuusuf Geelle, halka mid kale oo ah golaha shacabka ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.

Kadib markii Yuusuf Geelle uu ku guuleystay kursiga Aqalka Sare markii labaad, ayaa waxaa dood culus ay dhex-martay beesha Duduble, waxaana lasoo jeediyey in jufada Yuusuf Geelle ay sanadkan ka tagto kursiga golaha shacabka.

Yuusuf Geelle ayaa kadib jufadiisa kala hadlay arrintan, hase yeeshee, sida aan xogta ku helnay waa ay ku gacan seereen, taasi oo keentay in Yuusuf Geelle uu isaga tago kursiga Aqalka Sare si loogu qanciyo jufooyinka kale.

Yuusuf Geelle oo ah nin magac iyo sumcad ku dhex leh beesha, sidoo kalena ah reer Ugaas, ayaa khalad u arkay in kursigiisa uu cuqad iyo xiisad ka dhex-abuuro beesha Duduble.

Yuusuf Geelle ayaa hadda qorsheynaya inuu u tartamo kursiga #HOP26 ee golaha shacabka oo ay ku fadhiso Ikraan Aadan Absuge.  

- Advertisement -

Read more

Local News