Jabuuti oo khasaare xoogan kala kulantay DAGAALKA ka socda Ethiopia (Warbixin)

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay shaacisay in dagaalka Ethiopia uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaqaalaheedii, taasi oo meesha ka saari karta horumarka dhaqaale ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka socday dalkaas.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dalkiisu uu khasaaray lacag u dhiganta kala bar hantida qaranka 12-kii bilood ee u dambeeyay.

Jabuuti ayaa 1.7 bilyan oo dollar lumisay ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii dalkaas, kadib markii dagaalka uu sii xumeeyay khal-khal ku yimid silsiladihii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada wadan.

Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay la daala dhaceysay saameyntii ka dhalatay cudurka Covid-19, duulaanka Ayaxa iyo isbedelka cimilada, kuwaasi oo dhaawac gaarsiiyey dhaqaalaha dalkaas.

In ka badan 90% badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.