Mucaaradku ma ROOBLE ayey u socdaan mise madaxda maamul goboleedyada?

Muqdisho (Casimada Online) – Doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan soo idlaatay, iyadoo dhinaca kale laba kursi laga doortay midda Golaha Shacabka.

Inkasta oo ay doorashadu daahday, haddana Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa nin awoodiisa dhan isugu geeyey inuu ka dhabeeyo geedigaan doorasho.

Mucaaradka oo si weyn uga careysan inay doorashadu daahday, dhinaca kalena laga aamisan yahay inay dhaqaale la’aan ku dhacday, ayaa hadda ka fakaraya inay abuuraan mowjad cusub iyo qalqal amni.

Waxaa bannaanka usoo baxday inay ka fakarayaan dhismaha gole kumeel gaar ah oo dalka gaarsiin kara doorasho guud, sida ay iyagu qabaan, balse aan faham fudud laga heysan, sida ay suurtagalka ku noqon karto.

Inuu gaabis doorasho jiro waa muuqataa, dhinaca kalase waxaa la dafiri karin inay doorashadii socoto oo Aqalkii Sare lasoo doortay, golihii shacabka ayaa sidoo kale laba xubnood laga doortay.

Todobaadkaan gudihiisa waxaa la iclaamiyey doorashada sagaal kursi. Ra’isul wasaare Rooble ayaa kala hadlay maamulka Galmudug inay doorashada dadajiyaan oo kuraasta ugu horeysa la iclaamiyo iyo in madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isul wasaaraha ay ku heshiiyeen in doorashada Golaha Shacabka deg deg loo qabto ayaa kamid ah waxyaabaha aan la dafari karin ee muujinaya in doorashadu dhaqaaqday.

Markii xaaladahaas la akhriyo waxaa muuqata rajo doorasho, taas oo dili karta, beenin karta ama hor istaagi karta inuu shaqeeyo qorshaha ay mucaaradka mar labaad kaga fakarayaan gulufkii Badbaadi Qaran.

Tan iyo markii uu soo baxay qorshaha cusub ee Midowga musharixiinta mucaaradka, su’aasha ugu badan ee la is waydiinayo waa cidda ay mucaaradka u socdaan, Ra’isul wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada.

Rooble wuxuu gacan buuxda ku leeyahay oo xafiiskiisa si dhow ula fal galaa doorashada Gobollada Waqooyiga, si fudud ayuuna aqalkoodii sare ku qabtay, doorashadoodii Golaha Shacabka waa bilaabatay, waxaana la sheegayaa inuu Ra’isul Wasaare Rooble uu rabo in seddaxda todobaad ee soo socota gudahooda uu ku soo afjaro doorashada kuraasta reer Woqooyiga.

Dhanka maamul Goboleedyada doorka Ra’isul wasaare Rooble waa kaliya cadaadis, waxaana la rumeysan yahay in safarkiisa Dhuusamareeb uu kamid yahay cadaadiska uu ku doonayo in la dadajiyo doorashada, wuxuuna sidoo kale tagi doonaa, sida xogta sheegeyso Gobolada kale, si uu maamul kasta ugu cadaadiyo inay doorashada qabtaan. Wax intaas ka badan oo uu sameyn karo Ra’isul wasaare Rooble ma jiraan.

Waxaa laga wada dharagsan yahay in cidda doorashada ku fadhisa, diidan ee dibin daabiyada wado inay yihiin madaxda maamul Goboleedyada, haddaba mucaaradka waxaa laga sugayaa inay xaqiiqada wajahaan.

Sida ay wararku sheegayaan xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka rajo sii dhimaneysa ayey madaxda maamulada qaar ka leeyihiin.

Haddii xubnaha mucaaradka ku guuleystaan inay sameeyaan Badbaado Qaran 2 meesha ay dhibaatadu saameyn karto waa magaalada Muqdisho, balse Muqdisho ma ahan meesha ay hadda u xayiran tahay doorshada, sidoo kalena xukuumadda wax badan kuma xayirna dhankeeda.

Maadaama gulufka cusub ee Badbaado Qaran uusan ka shaqeyn karin Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhaba, Jowhar iyo Garoowe, waxaa loo arkaa inay mucaaaradka ku rafanayaan meel cidla ah.

Illaa hadda xubnaha mucaaradka farriimo adag uma dirin madaxda maamul Goboleedyada oo sida muuqata ku fadhiya doorashada, sidoo kalena ma aysan bogaadin Ra’isul wasaare Rooble oo u muuqda inuu kaligiis doorasho doon yahay, taas oo si weyn u daciifin karta toogashada mucaaradka, sidoo kalena xiisaha ka qaadi doonta qorshahooda cusub oo ay rabaan inay ku dhisaan Gole Qaran oo kumeel gaar ah.

Inkastoo ay jiraan xubno mucaaradka ka mid ah oo geediga doorashada ku qanacsan, haddana dhinaca kale waxaa muuqata in madaxda maamullada aynan weli daacad ka aheyn in dalka laga gudbiyo xilligaan adag.