Heshiis cusub: Shirkada DP World oo balaarisay joogitaanka Somaliland

Dubai (Caasimada Online) – Shirkada DP World ayaa balaarisay maalgalinta ay rabto iney ku sameyso Somaliland, kadib markii ayaa iclaamisay iney ka dhiseyso maamulka gooni isu taaga ah Aag Dhaqaale (Economic Zone).

Madaxa shirkadaan, Sultan bin Sulayem oo maalintii Isniinta la kulmay wasiirka arimaha dibbada Somaliland Saad Cali Shire ayaa waxay heshiis lagu hurumarinayo dhismaha  Aagaan Dhaqaale (Economic Zone) ee ku olaanaya dekada Bebera ku kala saxiixdeen magaalada Dubai.

A12.2 KM oo isku wareeg ah ayaa loo calaamadeeyey in lagu dhiso Aagaan dhaqaale kaasoo bartimaameedsanaya in la dhigo badeecadaha iyo qalabka kale ee dhismaha. Mashruucaan ayaa hurumarintiisa lagu sheegey warsaxafadeed shirkadaan ku soo qortey bogeeda, inuu wajiyo kala duwan noqonaya iyadoo marka hore lagu bilaabayo dhul baaxdiisu tahay 4Km.

DP World ma sheegin inta mashruucaan ku kacayo balse waxay sheegeen in faahfaahintiisa la gali doono marka la dhaafo doorashada Somaliland ka dhaceysa 13 Nov, 2017.

“Waxaan eegeynaa in dhameytirno heshiiskaan aaga dhaqaale laga dhisayo magaalada Berbera marka dowlada cusub ee Somaliland xilka la wareegto anagoo rajeyneyna in wadashaqeynteenu sii socoto,” ayuu yiri bin Selayem.

DP World ayaa horey u joogtey Somalilnd, kadib markii heshiis ay ku maamuleyso dekada Bebera la gashey Madaxweyne Siilaanyo kaasoo soconaya 30 sano. Waqtigaas  ayaa sidoo kale DP World waxay tiri in dekada u baahan tahay $442 million lagu hurmarin doono kaasoo wajiyo kala duwan noqanaya.

” Aragtiyada mustaqbalka ayaa ah in dekada Bebera ka dhigno xarunta ganacsiga iyo gadiidka geeska Africa waxaana rajeyneynaa in wadagaarno higsigaas,” bin Sulayem ayaa sidaas yiri Isniinta.

Dekada Bebera ayaa hadda laga dhoofiyaa Geela iyo Ariga la geeyo wadamada Barriga Dhexe iyadoo cuntooyinka laga soo dajiyo. Waxay sidoo kale uga faa’ideysaa dalka Ethiopia dhinaca badeecadaha u socda kuwasoo ku yimaada dhinaca Badda.

 

Hoos Ka Akhri Warsaxafadeedka DP World Kasoo Saartey Heshiskaan.

Isha: GO