Walaac soo food-saaray Soomaalida Mareykanka iyo dad muwaadanimada lagala noqonayo

Minneapolis (Caasimada Online) – Waaxda Caddaalada Mareykanka ayaa dooneysa in muwaadannimada lagala noqdo afar qof oo ah Soomaali Mareykan degan gobolka Minnesota ah, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay si been abuur ah ku heleen Visa-ha ay kusoo galeen dalka.

Sida ka muuqata dacwad ka dhan ah oo laga diiwan geliyey magaalada Washington DC, Fowsiya Cabdi Aadan, Axmed Maxamed Warsame, Mustafa Cabdi Aadan iyo Faysal Jaamac Mire, ayaa iska dhigay inay hal qoys yihiin si usoo galaan Mareykanka,una helaan Visa-ha.

Fowsiya oo 51 jir ah ayaa sanadii 2001 waxau sheegtay in Axmed Maxamed Warsame oo 54 jir ah uu ninkeeda yahay, islamarkaana Mustaf iyo Faysal oo kala ah 33 iyo 31 jir ay yihiin caruurtooda.

Fowsiya iyo Axmed ayaa durba markii ay Mareykanka soo galeen sheegay inay is-fureen, islamarkaana Axmed ayaa magaca iska beddelay.

Bayaan uu soo saaray, ayuu xeer ilaaliyaha qaranka Mareykanka Jeff Session waxa uu ku sheegay in barnaamijka socdaalka Mareykanka ay “ku xadgudbaan dad qiyaano badan oo jilayaal ah”.

Wareysi uu baari ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka kula yeeshay magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota, ayaa Axmed Maxamed Warsame, wuxuu ku qirtay inuu adeegsaday magac been ah iyo guur been abuur ah oo uu la galay Fowsiya.

Soomaali badan oo ka mid ah kuwa Mareykanka, ayaa walaac ay ku abuurtay arrintan, waxaana jira tuhun ku saabsan inay jiraan kiisas badan oo noocan oo kale ah.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com